Somaliland: Tabobar Ku Saabsan Gar-gaarka Deg-dega ah oo Loo Qabtay Shaqaalaha Madaarka Hargeysa

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta tababar u furay Shan iyo toban ka mid ah shaqaalaha madaarka Cigaal, tababar ku saabsan gar-gaarka degdega ah (First Aid).

Xaflad loo sameeyay furitaanka tabobarkaasi oo lagu qabtay madaarkaasi ayaa waxaa ka soo qayab galay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Duulista, Maamule Ku Xigeenka Koowaad ee Madaarka, Madaxa Shirkada NASHA, iyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee hay’adda Bisha Cas.
Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Maamule Ku Xigeenka koowaad ee Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Xuseen Jaamac oo yidhi “Marka hore farxad ayey ii tahay in aan idin kala soo qayb galo, tababarkan ku saabsan gargaarka degdega ah (First Aid Training) ugu horayn waxaan u mahad naqayaa Bisha Cas (SRCS) iyo Hay’adda HRM oo tababarkan bixinayasa oo siinaysa 15 Shaqaalaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ka tirsan kuwaas oo ka kala tirsan qaybaha uu madaarku ka kooban yahay, dabcan tababarku waxa uu ku saabsanyahay in qof waloo shaqaale ahi uu isagu inuu caawin karo qofka wax ku dhacaan, oo waxa xitaa la baraa Hooyooyinka guryaha jooga.”
shaqaalaha Madaarka
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka ee Hay’adda Bisha Cas Axmed Ciise Maxamud waxaannu yidhi “Runtii maanta aniga waa ii farxad gaar ah maalmo badan oo farxadeed waan soo maray lakiin maanta aniga way iiga yara duwantahay, sababtu waxa weeye fursad aan in badanba raadinaayey ayaan maanta la kulmay, qiimaha ay leedahay waxa weeye aniga oo maanta shaqaalahahii Wasaaradda Duulista,oo runtii dadaal dheerna u soo galay, horumarka iyo dadaalka iyo bilicda ka muuqata maanta madaarkan in la kobciyo aqoontooda iyo daryeelkooda oo lagu kobciyo qiimaha gargaarka degdega ahi leeyahay (First Aid), gargaarka degdega ahi waa waxyaabaha kor u qaada sumcada Madaarada, runtii anigu waxaan ku guubaabinayaa qof waloo ka tirsan shaqaalaha madaarka in uu fiiro gaar ah siiyo (First Aid) waxa uu yahay, anagu hadii aanu nahay Ururka Bisha Cas mabaadiidayada waxa ka mid ah samo falka daryeelka dadka tabaalaysan, tababarada aanu bixino wax ka mid cashrkaa maanta idinka laydin siinaayo ee Madaarka ka qabsoomaya.”

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Wasiir ku Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Saciid Cabdi Maxamed, waxaanu yidhi “ waxaan idinku soo dhawnayaa tababarkan maanta laydin siiynayo ee ku saabsan Gargaarka degdega ah, kaas oo looga baahan yahay in la baro shaqaale kasta oo ka hawl gala goobaha madaarada ay ka mid yihiin, iyo in Koox kastaa ay lahaadaan dad ku shaqeeya gargaarka degdega ah, waxaan aad ugu mahad naqayaa Hay’ada soo qaban qaabisay tababarkan ee HRM, iyo Hay’ada BISHA CAS oo tabarka bixin doonta, waxana idinku soo dhawaynayaa tabarkaas, waanu idiin furan yahay.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeen Saciid Cabdi.