Somaliland: Wasaaradda Duulista Oo Itoobiya u Dirtay 15 ka Tirsan Shaqaalaheeda

“Shaqada aanu doonayno inaad soo barataan maanta waxa inoo haya dad Ajinabi ah” Wasiir Maxamuud Xaashi

Wasiirka Wasaaradda Duulista Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta sagootiyey shan iyo toban ka mida Hawl wadeenada Wasaaradaasi oo deeq waxbarasho u tagay wadanka Itoobiya.

Hawl wadeenadaasi oo mudo sanad ah soo baran doona aqoonta maamulka Hawada ayaa waxa maanta munaasibad kooban oo sagootin ah loogu qabtay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyada oo sidoo kalena halkaasi lagu Gudoonsiiyey shahaadooyin ku saabsan koorso kooban oo ay ku barteen luuqada Ingiriisida.

Munaasibadaasi ayaa waxa Wasiirka ku Wehelinayey Masuuliyiin sarsar oo ka tirsan Wasaaraddasi oo uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Duulista Saciid Mahdi, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Muuse Ibraahim Salaf, Afhayeenka Wasaaradaasi Saddam Maxamed iyo Maamule ku xigeenka Madaarka Cigaal Maxamed Xuseen.

Agaasimaha Waaxda Duulista Md. Saciid Mahadi Ileeye (Saqiire) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “Sharaf weyn ayey ii tahay maanta oo ay Wasaaraddu dufcadii labaad ee shaqaalaheeda ah dibada u dirayso, dadaalkana waxaa leh Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi, oo wasiiradii hore hore noo soo maray kamabay fakirin aqoonta, kooraskan laydiin dirayaa waxa weeye kooraska la yidhaa maamulka hawada (Air Traffic Control) oo waa shaqo muhiim ah waana ta dhakhtarnimada oo kale waayo intaas oo qof oo Diyaarada aad hagayso saarani bad qabkoodu gacantaada ayey ku jirataa, intaa in le’eg oo khalad ah hadaad samayso dee waad xidhan tahay, markaa dadaal ayaa laydinka rabaa.”

Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Run ahaantii farxad weyn ayey ii tahay, maanta in aynu munaasibadan isugu nimaadno, taas oo sidii Saddam sheegay ku aadan laba ujeedo, waata koowaad waxa weeye ardayda halkan fadhida ee aynu tababarka u dirayno oo soo dhameeyay kooras gaaban oo luqada Ingiriisiga ah oo ay Jaamacada Islamic Online University siinaysay in halkan lagu siiyo shahaadooyinkoodii, oo masuuliyiintii iyo macalimiintii jaamacaduba ay inala joogaan. Marka labaad wakhtiga oo nagu yar darteed oo laga yaabo galabta in aad dhooftaan, waxaanu uga faa’iidaysanaynaa in ay noqoto sagootis iyo macalsalaamayn.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxaan jecelahay in aan runtii halkan uga mahad celiyo ugu horayn masuuliyiinta iyo macalimiinta Jaamacada Islamic Online University, oo runtii wax weyn ku biirisay Ardaydan, iyo guud ahaana Waxbarashada Somaliland, si gaar ahna waxaan u hanbalyeynayaa Dr Bilaal Philips, oo runtii ah nin aqoonyahan ah oo Somaliland aqoontan keenay oo aynu u baahnayn in aynu ka faa’iidaysano, mar labaadka waxaan iyada jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo Dawladda aanu walaalaha nahay,saaxiibka nahay,dariska nahay ee Ethiopia Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’ada Duulimaadyada oo deeqdan waxbarsho ina siiyey, Deeqdan Waxbarasho mudo dheer ayaanu daba soconay, Dawladda Ethiopia waxaynu nahay dad walaalo ah oo isku deegaan dhaw, waxaynuna nahay dad isku midab ah hadana kala aqoon sareeya waayo waa dal inaga hano qaad horeeyay.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay Muhiimada aqoontani ay ardaydan u direen ay u leedahay qaranka Somaliland waxaanu yidhi “ Fursad weyn ayey inoo tahay qiimo weyna way inoogu fadhidaa in maanta aynu seeska u dhigno sahana u dirano, wixii la odhan jiray Air Traffic Control’s, ( maamulka hawada ) inaad soo barataaan guul weyn iyo qiimo weyn ayey tahay, qaranka aad maanta ceelalyada u tagaysaan ragii u dambeeyey ee waxaas iyo wax ku dhaw soo bartay waxa ka mida ninkan Agaasimaha ah ee Saciid Saqiire, Waaxdii duulista madangia ahayd ee wixii Soomaaliya la odhan jiray markii laysku noqday dadkii wax bartay ee dibada loo diray, waxay wakhtigaas u badnaayeen dad Somaliland ah, ragaas maanta Saciid-baa inagala jooga ragii kale waa wada quruushay, ninka da’daas ah ee Saciid iyo idinka wax idiin dhaxeeya ma jiraan, faraqaasna waad garan kartaan.”

Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena ka hadlay Baahida ay wasaaradiisu u qabto dad muwaadiniin ah oo aqoon tan leh waxaanu yidhi “ maanta waxa Taawaradeena inoo hagta Hay’ada ICAO, shaqada aanu doonayno inaad soo barataan maanta waxa inoo haya Ajinabi, inamo sawaaxiliyiin ah ayaa inoo maamula, waa ku mahad san yihiin ka abaal ka dhici mayno. Laakiin waxa aynu u baahnay inaynaan Nin asaageen ah isku halayn, oo aynu han yeelato, oo waxbarano waxeena waa inaynu inagu maamulanaa. Somaliland Hawadeeda waxay doonaysaa inay maamulato, markaas mudadaa sadexda sano ah ee Qaramada midoobay ay doonayso inay gacanta ku sii hayso ee aynu inaguna doonayno inaynu maamulano aakhirka, waxa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo uu hogaamiyo ka go’an inay qaranka u soo saarto dhalinyaro aqoon leh, idinkuna aad u horaysaan, oo hawadeena haga. Maanta idinka waxa laydin soo barayaa hawada qaybta hoose (Lower Air space) waxana noqonaysaan kuwa diyaarahadaha soo haga markay hawadeena soo gasho, soo dajisaan marka dambe aad kicisaan, intaasaa koosadan masuuliyadiisu noqonaysaa, laba sano ayaa Koorsadan lagu bartaa, imika wax lagu soo ururiyey sanad wax ku dhow, dawladda Itoobiya waxaanu ka codsanay in Koorsadan la soo koobo, waxa aad wax baran doontaa saacado aad u dheer, oo laba galinba ah, waayo waxaanu doonaynaa inaad saacadahaas waxbarasho buuxisaan waa shaqo adag oo gudoon, hami iyo raganimo u baahan.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxa kale oo aan idinku war galinayaa in aanu Dawladda Itoobiya ka codsanay inay naga caawiyaan, in aynu hagno maamulka hawada sare (Upper Air space) ee Somaliland inaynu hagi karno, taasna qofka tababarka lama siiyo ilaa uu qaato koorsadan aad imika u baxaysaa ee Lower Air space, markaas markaa qaybtan dhamaysaan ayaa taas kalena laydin barayaa, waxay noo balan qaadeen in xubnaha u sareeya ardaydiinan in la reebi doono uu mudo laba sanadood ah ay tabarkaas kale qaadan doonataan, waa Jaamacad dhamays tiran, dadaalkuna idinka ayuu idinku xidhan yahay waxaanu idiin rajnaynaa Guul. muhiimada ay waxbarashadaasi leedahay ee aanu danaynayno darteen , dawladda Itoobiya waxay na siiyeen deeqdaas, aqoonta waxay ka mid tahay kuwa qaaliga ah, ee aadka u adag, Dawladda Itoobiya waxbarashada ayey na siisay, hoyga iyo cunada Wasaarada Duulista Somaliland ayaa bixinaysa INSHA ALLAH.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Munaasibadaasi ayaa sidoo kalena waxa ka hadlay Saciid Cabdilaahi Saciid oo ka tirsan maamulka Jaamacadda Islamic Online University, oo koorso kooban oo luuqada ah siinaysay Ardaydaasim, Isaga oo masuulyiinta Wasaaradda duulista ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan tayeynta hawl wadeenada Wasaaradaasi, iyadoo halkaasina shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardaydaas.