“Somaliland waxay u mahadnaqaysaa Golaha Degaanka Degmada Tower Hamlets” War-saxaafadeed

War-saxaafadeed uu mar dhawayd soo saaray Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen-Deyr ayaa lagu hambalyeeyey Golaha Deegaanka ee Bariga London oo Somaliland aqoonsaday.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumaddiisa iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu halkan MAHADNAQ BAAXAD LEH uga dirayaa Duqa magaalada, Golaha Deegaanka iyo guud ahaanba shacabka ku nool Degmada Tower Hamlets ee bariga London. Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Somaliland waxa farxad iyo sharaf weynba u ah inuu ku hambalyeeyo kuna bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets tallaabadii ku dhaca iyo geesinamadaba lahayd ee ay qaadeen taasoo ay 18-kii November 2015 cod aqlabiyad ah ku aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets guud ahaan, gaar ahaana Mayor H.W. John Biggs iyo Xildhibaan Amina Axmed waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kaasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan baahida weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Codka aqlabiyadda ah ee ay Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets ku aqoonsadeen Qarannimada dalkayagu waa tallaabo ku dayasho mudan taasoo ay ku kasbadeen dareenka iyo quluubta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waana mid ku suntanaan doonta xasuusta ummaddayada oo aanu idiinku hayno abaal weyn oo aan duugoobaynin. Sidoo kale shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahad naqayaan cid kasta oo isku hawshay qadiyadda Somaliland oo talo ama taageero ka geysatay.

Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, muddo ku dhow 25 sano waxay dedaal dheer iyo xusul-duub-ba ugu jireen inay helaan aqoonsi iyo ictiraaf buuxa si ay uga mid noqdaan Beesha Caalamka. Dhinaca kale, ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaaman yihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay dhistaan nabadgelyo waarta, degenaansho iyo xasilooni. Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhab ah ugu guulaysatay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan. Ummadda Somaliland waxay dunida tuseen kartida, awoodda iyo isku kalsoonida ay leeyihiin inay noqdaan Qaran dhisan oo si buuxda u shaqaynaya.

Tallaabada ay qaadeen Golayaasha Degaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets waa tallaabo geesimo leh oo mudan inay Beesha Caalamku kaga dayato. Ugu dambayntii farriinta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u dirayo Beesha Caalamka waxay tahay: “Waxaa la gaadhay xilligii ay Beesha Caalamku gar-waaqsan lahayeen masuuliyaddooda ee ay la iman lahaayeen go’aano ku dhac leh oo ay ku aqoonsanayaanJamhuuridda Somaluland.”

ALLAA MAHAD LEH

Jamhuuriyadda Somaliland ha noolaato.

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)