Guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka JSL ayaa sheegay in Somaliland ay masuuliyad iska saartay fulinta xeerarka caalamiga ah ee qoxoontiga adduunka.
Waxaanu tilmaamay in Somaliland ay aqbashay heshiisyadda caalamiga ah, isla markaana ay qaabisho dadka qoxoontiga ah ee wadamadoodda ka soo qaxaya.
Kuwaasoo ay u ogolaatay in ay wadankan Somaliland ku soo galaan una joogaan si nabad-geliyo ah.
C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Hargaysa, oo la xidhiidhay arrimaha qoxoontiga iyo muhaajiriinta.
Waxaanu yidhi “Somaliland waxay masuuliyad iska saartay, xil qaaday, in ay aqbasho, qaadato, oo ay fuliso xeerarka, iyo heshiisyadda caalamiga ah, oo ay qaabisho, dadka qoxoontiga ah ee wadamadoodda ka soo qaxaya, in ay wadankeedda ku soo galaan, ku na joogaan si nabad-geliyo ah”.
Geesta kale C/kariin Xinif, wuxuu ka difaacay Somaliland dhaliil ka muuqatay riwaayad lagu soo bandhigay xafladaasi oo ay dadka qoxoontiga ahi kaga cabanayeen in caruurtoodda dugsiyadda dhigata lacag la waydiiyay.
Waxaanu sheegay in xukuumadda Somaliland ay hore u balan qaaday in ardayda reer Somaliland ee dhigta dugsiyadda hoose, iyo dhexe ay waxbarashadoodu bilaash tahay.
Hase yeeshee, aanay jirin meel ay xukuumadda Somaliland ku balan qaaday in caruurta dadka qoxoontiga ah ee Sonaliland ku nool ay waxbarashadoodu lacag la’aan tahay, sidaas darteed na aanay dadka qoxoontiga ahi cabashadaasi xaq u lahayn.
Guddoomiye Xinif, waxa uu tilmaamay in masuuliyadda bixinta kharashka waxnarashadda caruurta qoxoontigubay saaran tahay haayadda UNHCR.
“Masuuliyadiinu waxay saaran tahay, oo caalamka uga wakiil ah waxbarashadda caruurta dadka qoxoontiga ah, waa haayadda UNHCR. Iyagu na waxa ay dawladuhu u soo dhiibaan ayuun bay wax ka bixin karaan.
Wadamadda qaadhaanka qoxoontiga adduunka bixiya, oo dalalka reer Yurub, ah ayaa sanadahan danbe caawimadii ay bixin jireen waxay ku koobeen dalka Ukrain”ayuu yidhi C/kariin Xinif.
Dhinaca kale guddoomiyaha haayadda qoxoontiga Somaliland waxa kaloo uu sheegay in Qaxa iyo barokacu uu yahay dhibaato ay bini’aadamku sababaan, kuwaasoo ay ugu badan yihiin dagaaladu.
Waxaanu sharaxay warbixin ay haayadda UNHCR ay soo saartay sanadkii hore ee 2022kii, taasoo ay kaga hadashay tiradda dadka qaxay ee adduunka.
“Tiradda dadka qoxoontiga ah waa 108.4 milyan oo qof, sida ay ku sheegtay warbixin ay haayadda UNHCR soo saartay sanadkii hore ee 2022-kii.
62 milyan oo ka mid ahi waa dad gudaha wadamadoodda ku barokacay. Halka 35 milyan iyo dheeraad na ay yihiin dad wadamo kale u qaxay.
5 milyan iyo badh na waa dad wadamo kale u qaxay. Laakiin, aan magan geliyo ka helin.
Waxa aan warbixintaasi ku jirin tiro kale oo aad u badan, oo iyagu wadamo kale u qaxay, balse aan qoxoontinima na ka helin, magan geliyo na ka helin, oo aan sharci ku joogin ayaa jira”ayuu yidhi C/kariin Xinif.
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com