Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta goor dhawayd jir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, wuxuna ku dhawaaqay in Somaliland go’aansatay in ay joojiso qaxootigii Soomaalida ahaa ee ka soo qaxayey qalalaasaha Yemen-ta ee Somaliland imanayey.
Wasiirku wuxu sheegay in ujeeddada loo joojiyey ay la xidhiidho sababo amni iyo Somaliland oo aan awood u heli doonin ay ku quudiso qaxootiga tirada badan ee ku soo qulqulaya wakhti ay hay’adihii caalamku diideen in ay xukuumadda Somaliland ka caawiyaan wax-siinta qaxootiga, maadaama UNHCR dadka reer Soomaaliya ee Berbera imanaya aanay u aqoonsanayn qaxooti laakiin u aragto dad gurigoodii ku soo laabanaya, sidaas daraadeedna ay masuuliyadda koowaad ku riixayaan Somaliland.
“Waad ogaydeen oo gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynay qaxootiga ka soo cararaya Yemen jinsiyad kasta ha lahaadaane. Waxa hadda Somaliland jooga in ka badan 3000 oo qof oo qaxooti ah. Waxanu adduunka u sheegaynaa laga bilaabo berito (Isniin) in aanu joojinay dadkii Soomaalida ahaa ee ka imanayey Yemen oo aanaan qaabili doonin maadaama hay’adihii diideen in ay wax siiyaan annaguna aanaan awoodi karin in aanu quudino” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir Waracadde wuxu intaas ku daray in qaxootiga imaanshahooda la ogolaan doono oo kaliya marka ay dunidu Somaliland ka caawiso quudintooda iyo xaqiijinta amniga si loo hubiyo in qaxootiga imanaya aanay u soo dhex raacin cid halis ku ah Somaliland .
Laba todobaad ka hor ayaa dawladda Maraykanku soo saartay warbixin sheegaysa in ay dagaalyahanno ku soo dhex dhuunteen qaxootiga imanaya Somaliland iyo Puntland.
Wasiir Warancadde jawaabtii uu warbixintaas ka bixiyey waxay ahayd “Maraykanu waa dawlad weyn oo indho badan. Warkan ay sheegeen waanu ka fiirsan doonaa baadhitaanna waan ku samayn doonaa.”
Waxa beryahan dambe suuqa ku jirtay in Somaliland iyo Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ay isku maandhaafsan yihiin waxa sharciyan loo aqoonsanayo qaxootiga reer Soomaaliya ee Yemen ka soo carara soona degaya Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa rabta in dadkan qaxooti loo aqoonsado maadaa aanay ahayn muwaadiniin Somaliland ah oo ay u dhasheen Somaliya, halka Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ay rabto in loo aqoonsado dad ku soo laabtay dalkoodii ama waxa ay u yaqaanaan ‘returnees”, kuwaas oo aan xaq u yeelanayn UNHCR in ay quudiso.
Dhanka kale, dadka u faraha dhuudhuuban arrimaha diblomaasiyadda ayaa aaminsan in diidmada Somaliland ee qaxootigu ay noqon karto astaan kale oo muujinaysa in aanay Xukuumadda iyo Beesha Caalamku isku san bannaanayn, kadib cadaadiskii ka dhashay muddo-kordhintii Guurtida. Taas daraadeed, xukuumadda Somaliland tallaabadani waxay u noqon kartaa cadaadis ay iyaduna saarto Beesha Caalamka.
Maadaama Somaliland dastuurkeedu aqoonsan yahay Baaqii Caalamiga ahaa ee Qaxootiga waxa dhici karta in xukuumadda la saaro cadaadis diblomaasiyadeed oo lagaga dalbayo in ay dib u ogolaadaan qaabilaadda qaxootiga.
Laga soo bilaabo markii uu dagaalku ka qarxay Yemen, waxa si is-daba-joog ah Berbera ugu soo qulqulayey qaxooti baxsad ah oo isugu jira qoomiyado badan laakiin ay tirada ugu badani yihiin dad u dhashay Soomaaliya.
Tirada qaxootiga ka soo carartay Yemen ee haatan ku Sugan Somaliland ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3000 ilaa 4000.
Afartii habeen ee u dambeeyey oo kaliya waxa dekedda Berbera soo gaadhay 900 oo qof oo ka koobadan 363 qoys.
Hoos ka daawo shir-saxaafadeedka wasiirka.
Waxa diyaariyey: Axmed Ceelaabe
bandhige@gmail.com