Somaliland: Xadiga Cashuuraha Ku Waajibay Wargeysyadda Iyo TV-yada Madaxa banaan Oo La Soo Bandhigay

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay si wadaniyad leh ugu hagar baxaan bixinta cashuuraha oo ah mishiinka qaranku ku fulinayo horumarka dalka.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu shalay xafiiskiisa kula yeeshay Wasiir Ku xigeenka maaliyadda Md. Axmed-Nuur Aw- Cabdi Shaacir iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradaasi, waxa kale oo kulankaasi goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Agaasimeyaasha waaxaha wasaaradda warfaafinta.

“Ololaha cashuur ururinta Wasaarada Maaliyadda si buuxda ayaynu ugu taageeraynaa, shacabka Somaliland oo dhanna waan uga mahad-naqayaa dareenka wanaagsan iyo niyad samida ay muujinayaan ee ay ku soo dhawaynayaan in ololahaasi uu suurto-galo, ololahan cashuur bixinta waxa innagu dedejiyay oo dib innoo xusuusiyay duruufta innagu xeeran ee gacanka Cadmeed ka jirta. Waxa innagu xeeran duruuf inna saamaysay oo dakhligeennii ay suuro gal tahay in loo baahdo in halkii ku tallo-galku ahaa la soo gaadhsiiyo,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu Baaq u jeediyay dadweynaha waxaannu yidhi “Waxaan idin leeyahay muwaadiniinteenna oo aan hubbo inay dalkooda iyo dadkooda jecel yihiin ha ku dhiiradaan inay cashuurta dalkooda ee ku waajibtay bixiyaan oo ay xarumaha cashuur ururinta geeyaan. Wasaarada warfaafinta iyo bahda Warfaafinta oo dhan iyo saxaafada madax-banaan iyo ta dawladaba kaalinta ay ku leeyihiin waxay uga qayb-qaadanayaan 100% inta awoodoodu tahay.”

“Maanta (shalay) waxay Wasaarada Maaliyada oo xafiiska innoogu timid ii dhiibeen qaadhaanka ama qaybta cashuur bixineed ee Wasaarada warfaafinta iyo saxaafada kaga soo hagaagay, saxaafada madax-banaan oo Wargeyso leh, oo TV-yo leh oo Madbacado leh, waxa kaga soo hagaagay sida halkan ku qoran Wargeysyada madax-banaan inay cashuurtii 400.000 oo shilin oo sannadkii oo dhan ah iska bixiyaan.

TV-yada madax-banaan waa inay iska bixiyaan1,000 dollar, Madbacaduhu nooc kasta oo ay yihiin waa inay iska bixiyaan 500 dollar, waxa ay bixinayaanna wax kale maaha waa liisankii ama Ruqsadii ay ku shaqaynayeen cashuurtii ku waajibtay oo sannadka dhan. waxa laga doonayaa marka uu cusboonaysiisanayo Wargeysku inuu 400 oo kun oo shilin iska bixiyo, kuwa kalena waa qadarkaa qadar la mid ah oo xafiisyada cashuuraha beriga ayaa u sheegi doona goobta TV-ga ama Wargeyskaasi xaruntiisu ay tahay,” Ayuu yihi Wasiirka warfaafintu.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Maanta (shalay) laga bilaabo dakhliga hore loo tabayo ama dhaawucu hore u soo gaadhay ee Wasaarada warfaafinta ah wada hadal debedii, waxaynu ku dhamayn doonaa in dakhligaasi gacanta dawladda ku soo noqdo oo gacanta dawlada aynu ku xerayno, gacanta dawlada ayaanu ku dhacayaa waxaanay Wasaarada warfaafintu qaadan doontaa kaalinta looga baahan yahay ee ay dalka kaga jirto.”

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Md. Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in shicib iyo xukuumad-ba la iska xil saaro sidii loo bixin lahaa cashuuraha noocyadooda kala duwan, waxaannu yidhi “Dakhliga inna soo galaa laba nooc weeyaan, waxa la yidhaahadaa Kastamis oo waxa dalka soo gelaya ama dibada uga imanaya cashuuraha laga qaado iyo waxa la yidhaahdo cashuuraha beriga oo ah wixii cashuur la qaado oo dhan, dunidu markay samaysanayso dhaqaalaha ta lagu dabaqo waa cashuuraha beriga weeyaan. Kastamisku waa wax mar kasta is bedeli kara oo istaagi kara, yaraan kara ama badan kara duruurfta innagu xeeran maanta saamayn ayay innagu yeelanaysaa, sidaa darteed, arrinta muhiimka ah ee dalku dhaqaale ahaan u cuskan karo waxa weeyaan cashuuraha ee dhaqaale ahaan loogu xisaabtami karo.”