Somaliland Y-PEER Network iyo Wasaaradda Dhallinyarada oo xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyaradda Adduunka

Hay’adda waddaniga ah ee Somaliland Y-PEER oo kaashanaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ayaa maanta si weyn u xusay Maalinta Dhallinyarada Adduunka.

Munaasid si weyn loo soo abaabulay oo ay ka soo qayb-galeen Wasiir-Xigeenka Dhallinyarada, Ciyaaraha, iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdirahmaan, Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Sayid-Cumar Cali Cabdi , madaxda Somaliland Y-PEER iyo saraakiil ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee Caalamiga ah, gaar ahaan UNDP, UNFPA, IOM, UN-HABITAT, Chemonics iyo xafiiska RC-ga.

Laga soo bilaabo 1999-kii, sannad kasta 12ka August waxa dunida laga xusaa Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo ay Qaramadda Midoobay u astaysay.

Sannadkan hal-ku-dhiggu wuxu ahaa:

“Ku-guubaabinta Dhallinyarada Waddaniyadda.”

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi hadal kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha ururka Somaliland Y-PEER Cabdicasiis Xirsi Warsame. Wuxu ka waramay doorka ay dhallinyartu ku leeyihiin horumarka bulshada iyo caqbadaha wakhtigan hortaagan dhallinyarada, waxaanu dhallinyarada u soo jeediyey in ay in is-kaashaadaan oo ay dhinac uga soo wada jeestaan wax kasta iyo tallaabo kasta oo dhallinyarta lagu horumarinayo, oo ay ka fogaadaan balwadaha, tahriibta, qabyaaladda, iyo wixii la halmaala.

Guddoomiye Cabdicasiis ayaa shaaciyey barnaamij cusub oo ururka Somaliland Y-PEER ku gubaabinayo dhallinyarada waddaniyadda, kaas oo wajigiisa hore socon doona muddo sannad ah, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Waxaanu maanta xuska Maalinta Caalamiga ee Dhallinyarada Adduunka ka sokow daahfuraynaaa barnaamij cusub oo kor loogu qaadayo ka qayb-galka horumarka dhallinyaradda ee dalka, sidii loogu abuuri lahaaa meelo ay doodaha iyo fikiradda isku waydaarsadaan.”

Sidoo kale waxa madasha cashar cilmi ah ka jeediyey Maxamed Xaaji Maxamuud oo ah aqoonyahan qurbe-joog ah dalkana fasax ku jooga. Maxamed Xaaji wuxu sharraxaad ka bixiyey waddaniyaddu waxa ay tahay iyo nooca waddaniyadda looga baahan yahay in lagu abuuro da’yarta Somaliland iyo weliba siyaabaha taas loo hirgelin karo.

In ka badan 100 dhallinyaro ah oo madasha ka qayb-gashay ayaa su’aalo waydiiyey Maxamed iyo Cabdicasiis kuwaas oo la xidhiidhay waddaniyadda iyo shaqo-abuurka da’yarta.

Sidoo kale waxa madashan ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyaradda, Ciyaaraha, iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabbeeye waxaanu hadallo dhiirigelin ah u soo jeediyey dhallinyarta, isaga oo sheegay in ay waddanka camal la’aani ka jirto hase ahaatee aanay dhallinyartu ka caajisin ee ay samaystaan shaqooyin iyo ganacsi yar yar inta camalku u soo baxayo, maadaama oo uu waddankeenu yahay waddan yar oo curdin ah oo aan haysan dhaqaale ku filan.

Sidoo kale waxa uu xusay in amaanka iyo xasiloonida dalkeena ka jirtaa ay hormood u yihiin dhallinyarta reer Somaliland nabaddaasina ay tahay waxa kaliya ee qarankeenu ku faano. Waxaanu ugu hambalyeeyay dhallinyaradda doorka wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta qarankooda.

Axmed Cabdi Jaamac oo ka socday Ha’yadda Qaramadda Midoobay ee UNFPA oo barnaamijkan farsamo iyo dhaqaale ku taageertay ayaa xusay in qaabka sannadkan loo xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyaradu uu ka duwan yahay xafladihii hore loogu xusi jiray maalinta. Axmed wuxu Somaliland-Y-PEER Network ku ammaanay firfircoonidooda wuxuna ku guubaabiyey in ay sii wadaan dedaalka.

Axmed Cabdi Jaamac sidoo kale wuxu ka hadlay dhallinyarada iyo shaqo-la’aanta, isagoo tilmaamay walo ay shaqo la’aani dalka ka jirto qayb dhalliisha ka mid ah ay dhallinyaradu iska leeyihiin maadaama ay badankoodu qallinjabiyaan iyadoo tayadoodu aanay gaadhsiisnayn halkii loo baahnaa iyo iyadoo ay jiraan dhallinyaro aan xirfad iyo aqoon lahayn laakiin rabta in ay haddana shaqo helaan. Wuxuna yidhi:

“Waddankeena waxa ka jirta nooca shaqo la’aanta ah ee ay dhallinyaradu shaqo la’aanta lafteedii ka dhigteen shaqo.”

Wasiir-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo isna hadal kooban jeediyey waxa uga digay dhallinyaradda ugu baaqay inay ka baaqsadaan dhibaatooyinka tahriibta, balwadaha, iyo wixii la halmaala.

Sidoo kale waxa uu gashaan ka ku dhuftay in dhallinyata iyo guud ahaanba ay wadanka ka jirto shaqo la,aan baahsan, laakiinse ay xukuumad ahaan qorshaha ugu jirto oo ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Mar uu ka hadlayey waxqabadka dawladda ayaa waxa uu yidhi:

“waxaan maanta aad ugu faraxsan ahay in aan wakhti badan la qaatay dhallinyaradda oo halgan ku soo bandhigtay afkaaro wanaagsan oo lagu dhiiran karo, la jooga dhallinyaradda waxaad maanta noogu dartaan waxqabadka xukuumadda oo aan marar badan arrimo kale ku baahin jirnay.”

Ugu damabayntiina waxa ka hadlay xafladan oo soo afmeeray wasiir-xigeen Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha dhallinyaradda haatan joogta, waxaanu sheegay in qabyaalada haatan ay aad usoo dhex gashay dhalinyarada oo aan hore ugu dhaqmi jirin qabyaalada, hase ahaatee baryahan dambe ay jiraan dhallinyaro xataa TV-yada laga soo daayay oo ku dhaqmaaya qabyaalad oo leh hadaanu nahay reer hebel,waxaanu halkaa amaan uga soo jeediyey dhanka haweenka oo uu sheegay inay qabyaaladu ku yar tahay.

Garas wuxu kula dardaarmay dhallinyarada inay kaalin wayn ka qaataan sidii loo dabar goyn lahaa qabyaaladda haatan biyo dhigtay dhallinyaradeenii, dhinaca kale waxa uu baaq u diray TV-yada iyagu baahinaya arrimaha qabyaalada inay ka waantoobaan, oo ay iga laftoodu ka qayb qaataan joojinta qabyaaladda si aanay usii xoogaysanin qabyaaladda ka jirta Wadanku.

Mar uu ka hadlayey miisaanka Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska waxa uu yidhi:

“Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska waxa ka hawl badan Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada oo kaliya, waayo waxa wasaaradda hoos yimaada dhallinyaradda oo waddankeena ugu badan oo gaadhaysa boqolkiiba konton wax ka badan, waxay wasaaraddu hor-u-markaa marka la fahmo miisaanka wasaaradda ee hesho qiimaheeda wax u dhigma.”

Xuska maalinta Caalamiga ee Dhallinyaradda oo ka duwanayd xusaskii hore ayaa ururka Somaliland Y-PEER waxa uu ku daahfuray barnaamijka xoojinta dhallinyarta oo ay ku soo bandhigi doonaan fikiradooda iyo caqabadaha ka hor yimaada.

11853964_871602856248667_1054387692_n11844096_871602629582023_698951088_n 11850858_871602722915347_1269547146_n 11120125_871602146248738_464656875_n 11853992_871602322915387_362511960_n

Abdiaziz Hersi Warsame

11880808_871601989582087_32538082_n

Maxamed Xaaji

Hoos ka daawo barnaamijka Horn Cable TV ee Maalinta Dhallinyarada Adduunka.

bandhige@gmail.com