Hay’adda waddaniga ah ee Somaliland Y-PEER oo si weyn Hargeysa iyo Burco uga xustay Maalinta Dhallinyarada Adduunka

Hay’adda waddaniga ah ee Somaliland Y-PEER ayaa si weyn u xustay Maalinta Dhallinyarada Somaliland iyadoo kaashanaysa Hay’adda UNFPA.

Xaflad si weyn loo agaasimay ayaa gelinkii hore lagu qabtay magaallada Burco taas oo ay ka soo qayb galeen madaxda dawladda ee heer gobol, hoggaamiyeyaasha dhallinyarada Togdheer, abwaano, qoraayo iyo marti-sharaf kale.

Hal-ku-dhigga sannadkan ayaa ah SafeSpaces4Youth oo macnaheedu tahay in dhallinyaradu helaan goobo ammaan ah oo ay isticmaalaan.

Madaxdii iyo dhallinyaradii madasha isugu timid ayaa isla af-gartay in dhallinyarada lala doono goobo ay isticmaalaan oo ay ka dhigtaan garoomo, maktabada, goobaha jimicsiga iyo wixii kale ee ay u baahdaan.

Somaliland Y-PEER waxay sidoo kale gelinkii dambe ku qabtay xaflad garoonka Hargeysa Stadium halkaas oo ay ka socdeen ciyaaraha naadiyada heerka koowaad.

Xafladdaas oo si toos ah ama live ah loo baahiyey waxaa ka qayb-gelay madax ka socota xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Somaliland Y-PEER Cabdicasiis Xirsi Warsame, la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, Agaasimaha Guud ee Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Dhabbeeye iyo Madaxda xidhiidhada ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Tiro lagu qiyaasay 200,000 oo qof ayaa daawanayey munaasibaddii gelinka dambe ee maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada.