SOMTEL iyo daah-furka adeegga 4G

Xaflado xidhiidh ah oo ay agaasintay shirkadda SOMTEL ayaa maalmihii u dambeeyey lagu daah-furayey adeegga casriga ah ee 4G kaas oo ah noocii ugu dambeeyey ee tiknoolojiga internetka. Bandhiggii u dambeeyey wuxu ahaa kii ay xalay shirkaddu ku qabatay huteelka Ambassador, Hargeysa.

Munaasibaddaas ugu horayn waxa hadallo u badan faahfaahinta adeeggan ka jeediyeyย  Madaxa Suuq Geynta Shirkada Somtel Khadar Maxamed Cabdilaahi. Hadalladiisii waxa ka mid ahaa.

“Caawa waxaanu halkan ku daahfuraynaa adeegga casirga ah ee loo yaqaan 4G. Carwadan waxaanu ugu talo galnay macaamiisha sharafta badan ee shirkada SOMTEL iyo kuwa huteelka Ambassador in ay ka faa’iidaystaan tiknoolojigan casriga ah” ayuu yidhi Khadar.

Khadar wuxu sheegay in 4G-gu uu yahay adeeg aan hore dalka looga isticmaalin iyo geeska Africa toona haatana ay shirkadda SOMTEL ka hirgalisay waddanka.

Madaxa suuqgeyntu wuxu dadka ugu bushaareeyey in ay jirto qiimo-dhimis 50% ah isla markaana adeeggan lagu isticmaali karoย  meel kasta isla markaana qof kasta asxaabtiisu la isticmaali karaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata Khadar wuxu yidhi:

“Waxaan macaamiisha ugu baaqaynaa ina y ka faa’iidaystaan adeeggan casriga ah ee ay qiimo-dhimista kuugu samaysay shirkada Somtel. Waxaa noo qorshaysan in aanu ka hirgelino dhammaan gobollada dalka oo dhan.

Madaxa suuq-geynta ee shirkadu wuxu intaas raaciyey in adeeggan hadda ay bandhigayaan uu yahayย  adeegga Wifi-ga loo yaqaano kaas oo mar qudhaata ay 10 qof wada isticmaali karaan, adigoo ku isticmaali kara meel kasta sida, gurigaaga, xafiiskaaga iyo meelaha aad ku cawaysid ee habeenkii ee la isugu yimaado.

Khadar wuxu hadalkiisa ku soo gunaanaday:

“Dadka hudheelka jooga waxaanu u oggolaanay oo aanu jaanis u siino in ay adeeggan Wifi-ga oo hadda bilaa password ah ay tijabiyaan oo ay nala eegaan adeeggan casirga ah ee 4G-ga”

Bandhige@gmail.com