SONYO oo daah-furtay Mashruuca Han iyo Hal-abuur

Xaflad Khamiistii lagu qabtay hoolka shirarka ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa lagu daah-furay mashruuc loogu magac daray “Han iyo Hal-abuur.”

Mashruucan waxa ay SONYO ku dhiirigelinaysaa hal-abuurnimada iyo hindisaha da’yarta Somaliland.

Waxa mashruuca lagu ibo-furay wiil dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Eng. Siciid Cabdi Jiidhe oo bilaabay dhismaha helikobtar muddo sagaal sanno ka hor, taas oo sida uu sheegay u maraysa meel wanaagsan.

Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Guddoomiye Cirro2
Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Somaliland iyo Golaha Wakiillada oo ka qaybgalay xafladda

Waxa xafladda ka soo qaybgalay marti-sharaf ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Xildhibaan Xaaji Cabdi-Waraabe oo ah odayga ugu da’da weyn Guurtida Somaliland, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiillada, saraakiil khibrad u leh duulimaadyada iyo diyaaradaha, hawl-wadeennada iyo ururrada SONYO iyo aqoonyahan kale.

Agaasimaha SONYO, Siciid Maxamed, oo hadal ka jeedinaya munaasibadda furitaanka
Agaasimaha SONYO, Siciid Maxamed, oo hadal ka jeedinaya munaasibadda furitaanka mashruuca

Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed Axmed ayaa sheegay in SONYO ay muwaadinkan ku hawlan samaynta diyaaraddan helikobatar-ka la barbar joogsan doonaan taageero farsamo, mid dhaqaale, talooyin iyo tusaaleyn.

Eng. Siciid Cabdi Jiidhe ayaa isaguna sheegay in samaynta diyaaraddan helikobtarka ah uu hawlo badan u soo maray haddana ay ku dhawdahay gebogebo.

Helikobtarka uu
Helikobtarka uu sameeyey Eng. Siciid oo ka qaybqaadanaysa xuskii 18-ka May
Marti-sharaf ka qayb-qaadanaysa xafladdii furitaanka
Marti-sharaf ka qayb-qaadanaysa xafladdii furitaanka

bandhige@mail.com