Soo Koobida Waraysigii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro siiyey Telefishanka Sky news Arabic

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dalka Isu taga Imaaraadka waraysi dhinacyo badan leh ku siiyay Warbaahinta Sky news Arabic.

Waraysigan oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa Madaxweynaha wax laga waydiiyey arrinta maalmahan sida weyn loo hadal hayo ee ku saabsan in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu qorshaynayo in Qaxooti falastiiniyiin ah oo laga soo rarayo Marinka Qasa uu doonayo inuu keeno Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu caddeeyay in Somaliland la dareen tahay dadka reer Falastiin, ayna ku biirayaan dedaallada waddamada Carbeed ee arrinkan ku wajahan gaar ahaanna diidmada ka dhanka in la barakaciyo dadka reer Falastiin.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dalalka Carabta kala tashato arrimaha gobolka oo ay ka mid tahay arrinta qaxootiga Falastiin, si loo helo mawqif midaysan oo waafaqsan danaha Carabta.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Maraykanku uu taageero siyaasadeed iyo mid milateriba siiyo Somaliland, isla markaana uu dalkiisu doonayo inuu xoojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee uu la leeyahay Washington, Mudane Cirro waxaa kale oo uu sheegay in Maraykanku aanu Somaliland kala tashan qaabilaadda Qaxoontiga Falastiiniyiinta, Waxaa kale oo uu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada-tashi dublamaasiyadeed in lagu maareeyo qaddiyadan, isagoo intaas ku daray in Somaliland mawqifkeeda ay marinayso dariiqyada ay ku wada xidhiidhaan Maraykanka.

Madaxweynaha JSL, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay ka tirsan tahay wadamada Carabta, isagoo xusay in dalkiisu uu xidhiidh diblomaasiyadeed oo xoogan la leeyahay dhawr wadan oo Carbeed, isla markaana ay safaarado ku leeyahay qaar ka mid ah caasimadaha Carabta.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in dalkiisu uu doonayo in uu si firfircoon uga qayb qaato dedaallada Carabta ee kor loogu qaadayo iskaashiga iyo is-dhexgalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay Iskaashi xoogan oo ay yeeshaan dalalka carbeed si loo gaadho go’aanno istiraatijiyadeed oo cid walba dan u ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal xasiloon oo dimuquraadi ah kana badbaaday qalalaasaha ragaadiyey dalal badan oo ka tirsan qaarada Africa, madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland lagaga dayan karo degenaanshaha iyo dimuquraadiyada.

Madaxweyne Cirro wuxuu si xeel dheer uga sheekeeyay taariikhda Somaliland isagoo sheegay in dalkiisu uu 1960-kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyada Ingiriiska, kadibna ay la midoobeen Soomaaliyadii ka hoos baxday Talyaaniga si loo unko ayuu yidhi in Shanta Soomaaliyeed ay waddan qudha noqdaan, hasa yeeshee Madaxweynaha ayaa iftiimiyey in riyadaasi aanay rumoobin dagaalo adag oo dhacay kadibna ay Somaliland dib ula soo noqotay madax bannaanideedii 1991-kii.

Gunnaanadkii waraysiga Madaxweyne JSL, Cabdiraxmaan Cirro, siiyey Warbaahinta Sky news Arabic wuxuu ka hadlay sida ay Somaliland uga faa’iidaysanayso horumarka dhinaca tignoolajiyada ah si JSL ay u gaadho horumar waara, Waxa kale uu Madaxweynuhu sheegay in horumarkan dhinaca tiknoolajiyada ahi uu Somaliland ka caawin doono horumarinta dhaqaalaheeda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo kor u qaadi doonta mawqifka ay ku leedahay caalamka.

Waxa kale oo uu si cad u sheegay in dalkiisu u furan yahay iskaashiga beesha caalamka si loo gaadho horumar iyo xasilooni, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay sii wadi doonto la shaqaynta saaxiibadeeda gobolka iyo caalamkaba si loo xoojiyo dhaqaalaheeda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

 

 

Bandhige@gmail.com