Soomaaliya iyo Kenya waxan taageerayaa Kenya, sababta ma kuu sheegaa? (WQ: Xasan Gumburaawi)

Somaliya iyo kenya inoo kala daran

Sababta ma kuu sheegaa

Xukumada farmaajo ee Villa somaliya ku kooban waxay ka gubatay dhawaan mar uu hargeysa yimid wasiirka gaashaandhiga ee ingiriiska,

Booqashadaa Wasiirku ku yimid somaliland dawlada farmaajo waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay inay wasiirkaas iyo ingiriiska dacwayso iyagoo ku haysta hargeysa,dan uu booqashada ku yimid

Mid kale wuxuu ahaa Danjirihii qaramada midoobay u qaabilsanaa somaliland iyo Somaliya xukumada farmaajo waxay ku eriday oo ay ku saluugtay Imaatinkii hargeysa iyo danjiraha oo runta u sheegay farmaajo in aanuu somaliland ku habsaamin

Markuu xaalku halkaas taagan yahay walaaltinimada jirtaa waa tee…?

Horaa loo yidhi… “Muuqaaga kaan rebin, kiisana ha meel marin”

Dhib kasta oo ku dhacda Xukumada farmaajo iyadaa sabab u ah waana koox kibirtay iyaga oo aan xataa ka talin meel dhaafsiisan xayndaabka VILLA SOMALIYA

Farmaajo wuxuu kansar ku yahay ummada somaliyeed oo uu kala qayb qaybinayo kuna dhex abuurayaa fidno iyo inay jaahwareer ku jiraan weligood mana kala jecla nabada iyo colaada

@Hassan Gumburaawi