Sooyaalkii uu soo maray xidhiidhka Maraykanka Iyo Somaliland. W/T: C/raxmaan Hayaan

Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibadda maraykankan u qaabilsanayd Afrika sannadihii 2005 illaa 2009 mss, Jandayi Frazwe ayaa waraysi ay bixisay ย si faahfaahsan uga hadashay sooyaalkii uu soo maray xidhiidhka u dhexeeya maraykanka iyo somailand, iyo sidii marykanku marar badan u qalqaaiyay in Somaliland la aqoonsado , balse ay jireen dalal ka tirsan Afrika oo marwalba dabada jiidayay arrintaa. waraysiga oo ay ka qaadday haweenay saxafiyad ah oo mageceeda la yidhaahdo Michelle Gavin, isla markaana hore ugu jiri jirtay siyaasadda maraykanka ayaa waxa uu u dhacay sidan.

Michelle Gavin: bal marka hore waxaad nooga warrantaa siyaaddii Maraykanka ee ee ku aaddanayd somalilandย  ee aad ka dhaxasheen maamulkii idinka horreeyay?

Jandayi Frazer: hagaag, waad mahadsan tahay, markii George W. Bush oo xafiiska yimid sannadkii 2001, haba yaraatee ma aannaan lahayn wax siyaasad ah oo ku wajahan somaliland. Sidoo kale markii aanu ku jirnay ololaha kamaannaa fikirin meesha siyaasad ahana aanu ka taagannahay somaliland. Anigu kama warrabi karoย  maamulkii Clinton. Waxaan ka mid ahaa kooxdkii xilliga kala guurka, ma xasuusto waraaqo ama qoraallo aanu kala wareegnay maamulkii Clinton oo ku saabsan somaliland iyo Somalia oo arrintaa ku saabsan. Waanuu isku daynna in aanu helno dokumentyo la xidhiidha siyaasaddaa aynu ka hadlayno, balse wakhtigaa Somalia iyo somaliland waxa ay xisaabsnaayeen uun dal madax bannaan, run ahaantiina ma aanaan lahayn siyaasad cad oo ku saabsan madax banaanida somaliland. Siyaasaddayada ku saabsan somaliland na waxa ay ahayd mid si hufan loo xakamaynayo illaa laga soo gaadho weerarradii 9/11 ee sannadkii 2001 ee maraykanka la soo weerary. Sidaa daraaddeed sagaalkii bilood ee ugu horreeyay maamulka Madaxweyne Bush, soomaalidu meel muhiim ah kagama ay jirin siyaasadda arrimaha dibadda maraykanka.

Waad ogtahay somaliland, waxa ay qabatay aftidii dastuurka sannadkii 2001, iyada ay dadweynuhu doorteen is somaliland la soo noqoto madaxbanaanideeda, sannadkii 2003, waxa ay markii u horraysay dadweynha somaliland doorteen madaxweyne codka shacabka ku soo baxay, waxa dhacay doorshooyin badan oo si dimuqraaddi ah u qabsoomay, somaliland sidoo kale waxa ay leedahay nabdagalyo laysku halayn karo, geesta kale, waxaad Soomaaliya wax aka jira dawlad federal ah oo ku meel gaadh ah, taasoo iyadu xataa aan heshiis ahayn, iyada oo wali la daalaa dhacaysa khilaafyo daba dheeraaday iyo hirdanka qabaaโ€™ilka, sidaa daraaddeed kala duwanaanshaha somaliland iyo soomaaliya iyo rabitaanka beesha caalamka oo Maraykankuna ku jiro ee doonaya in ay taageeraan ayaa aad u soo xoogaysanayay, waxaanan odhan karaa wakhtigaasi waa markii aanu bilawnnay in aanu u soo jeedsanno somaliland isla markaana aanu muhiimad gaar ah siinno. Waxyaaabaha kale ee ka qayb qaatay in aanu somaliland wakhtigaa il gaar ah ku eegno waxa ka mid ahaa iyada oo kooxo badan oo xidhiidh la samaysatay ururka AL qaacida , sida Al-shabaa ay ku sii xoogaysanayeen guud ahaan dhulka soomaalida, gaar ahaan Soomaaliya, taasoo nagu khasabtay in aanu gacan saar la samaysanno somaliland si ay noogala shaqeeyaan in aany ururradaasi ku fidin dhulka kale oo hor leh.

Mabdaโ€™ ahaan maamulka Bush, waxa uu lahaa siyaasad ku dhisan istiraarijiyada la xidhiidhaย  la macaamilka dalalka waaweyn, ee awoodda iyo saamaynta ku leh gobolka ay ku yaallaan. Dalalkaa waxa ka mid ahaa Koonfur Afrika, Nigeria, Kenya, Ethiopia, iyo sidoo kale waddamadii yaryaraa ee sida wanaagasn u soo baxay isla markaana qabsaday doorashooyin dimuqraaddi ah, dhaqaalahooduna soo kobcayo, sidoo kalena xoojiyay dhanka ammaanka. Dalalkaa waxa wakhtigaa ka mid ahaa Maali, Senegal, Botswan iyo Mozambique, iyo sidoo kale Ruwaanda Iyo Uganda.

Sidaa daraaddeed, ujeeddadaydu waxa ay ahayd in aanu taageerno meelaha maamul wanaagga iyo deganaansta siyaasadeed samaystay. Haddii haddaba aad eegto shuruudahaa aynu soo sheegnay, waxaad arkaysaa in somaliland dhammaantood fulisay, sidaa daraadeed waxa macno samaynaysay in wakhtigaa ย somalialnd loo aqoonsado dal madax bannaan.

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

La sococo qaybta labaad.