Sooyaalkii uu soo maray xidhiidhka Maraykanka Iyo Somaliland. W/T: C/raxmaan Hayaan Q. 2aad

Michelle Gavin: Hagaag, waa arrin muhiim ah. Balse marka la eego siyaasad aan is badal lahayn iyo xaalad fawdo ah oo ka jirta soomalaiya. In aqoonsi la siiyo meel leh dawlad sifo sharci ah oo la garanayo ku timid isla markaana hormar ka samaysay bixinta adeegyada bulshada iyo adkaynta ammaanka sida somaliland oo kale, miyaanay ahyn arrin keeni karta in la aqoonsado?

Jendayi Frazer: Dabcan waa sidaa aad sheegtay, bal hadda aan ku yar noqdo Soomaaliya, dawladdii ku-meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo dawladda Fadaraalkuba waxa ay ka soo unkameen wada hadallo nabadeed oo ka kala dhacay meelo kala duwan. Waxa jiray wada hadalladii Jabuuti, kenya iyo meelo kale. waxa ay u muuqatay in dalalka Afrika gaar ahaan kuwa geesku ay tartan ugu jiraan soomaaliya, sidaa daraaddeed, waxa aanu ka fikirnay bal  in midwoga Afrika la imman karo siyaasad midaysa tartanka ka dhexeeya Jabuuti, Kenya Iyo Itoobiya, iyo dalalka kale ee ku wajahan Somalia. Waaqacuna wakhtigaa sidaa ayuu ahaa,. Taa awgeed waxa aanu is dareensiinnay in aanu aqoonsanno madaxbannaanida Somaliland. Somalialnd waxa ay ahayd dal madax banaan oo la qoonsan yahay, markii ay xornimada qaateen sanandkii 1960kii ayaa ay si iskood ah ugu biireen soomaalidii Talyaanigu gumaysan jiray.

Michelle Gavin: Markaasay isla markiiba ka qoomamoodeen?

Jandayi Frazer: haa waa ay ka qoomamodoeen markiiba, xataa aftidii dastuurka ee sannadki 1961kii, badi dadka somaliland waa ay qaadaceen, sababta oo ah waxa ay dareemeen in dawladdii lagaga batay oo aanay awood muuqata ku lahayn. Markii uu dhacay rajiimkii siyaad barre sannakdii 1991kii, waxa ay la soo noqdeen madax bannaanidoodoo iyo xorriyadoodii. Sidaa daraaddeed hadda waxa aad arkaysaa in ay tahay dawlad haysata taageerada shacabka, dal horuma ka sameeyay dimuqraaddiyadda, haddana aynnaan wali aqoonsan. Waxa aan rumaysanahay in ay aqoonsiga u qalmaan. Sidoo kale midowga Afrika ayaa wufuud u diray somaliland, waxaanay u socdeen sidii ay somaliland u aqoonsn lahaayeen.

Koonfur Afrika, waxa ay waligeedba taageere weyn u ahayd somaliland, inkasta oo ay sababo u gaar ah sidaa u samaysanaysa, waxa aan xasuustaa wakhtigaa in Kenya iyo Itoobiya ay taageeradooda somaliland ahayd mid aan xoogganayn. Dhanka kale Jabuuti iyo Uganda ayaa ahaa si weyn uga soo horjeeday somaliland, si fiican baan u xasuustaa. Nigeria lafteedu waxa ay lahayd aragti taagero u muuqata. Waxaan u arkayay in ay habboon tahay in midwoga afrika sameeyo is-bahaysi, kaasoo taageera madax bannaanida somalialnd, maraykankuna intaa wixii ka danabysa soo galo meesha, arrintaasina ma ay dhicin.

Michelle Gavin: waxa jirtay in dalalka gobolka uu jiro dal dhawaanahan la aqoonsaday isla markaan noqday xubin buuxda oo ka mid ah ururka midowga Afrika sannadkii 1993kii, kadib halgan dheer oo ay u galeen in ay noqdaan dal madax bannaan, waxaana lagu tilmaami karaa taariikh dhawaan dhacday oo wali sii qoyan isla markaan waaqaca siyaasadeed ee gobolka la jaanqaadaysa, inkasta oo ay taariikh ahaan ka duwan tahay. Sidaa daraadded adiga iyo saraakiisha kale ee maraykanku waxa aad sidoo kale wax ka ogaydeen, heerka taageerada ah ee ay dalalka Afrikaanku u hayan Somalialdn iyo madaxbanaanideeda. Markaa waxa muuqatay in Maraykanka iyo aqlabiyadda dalalka Afrika ay isku dhinac u socdeed, maxaa dhacay intaa wixii ka danbeeyay? Maxaa qaldamay?

Jendayi Frazer: xataa haddii aanay ahayn dalalka afrikaanka ah badankooda, waxa ay ahaayeen kuwa saamaynta ku yeelan kara kuwa kale ee soo jiidi kara. Badankoodu ma ay danaynayn. Dalalka aanu isku fikirka ahayn Waxa ay ahaayeen uun kuwa u soo jeeda arrintaa iyo dalal kale oo diblomaasiyad ahaan awood u leh in ay dadka isku keenaan, waxaanay u ekayd in aanu dhammaantayo dhinac u wada soconnay.

Alpha konare- madxweynihii hore ee Maali oo xukunka hayaay 1992kii illaa 2002, ayaa hawshan hormuud u ahaa. Xataa marka laygu weydiiyo meel fagaare ah, waxa aan odhan jiray, haddii aanu maraykanka nahay waxa aanu ka dhur sugayanna siyaasadda Ururka midowga Afrika. Run ahaan waanu isku dayaynnay in aanu si uun saamayn ugu yeelanno, balse ma ay xoogganayn, waxa aanu u arkaynnay in ay jihada saxda ah u socoto.

Laakiin waxaan u malaynayaa, waxa arrinta aqoonsiga somaliland oo markaa calankeedu taagnaa hor taagnaa waxa uu ahaa Qaddaafi, Qaddaafi ayaa si uun u saameeyay midowga afrika. Bal xasuuso, Qaddafi waxa uu doonayay inuu sameeyo hal dawlad oo ka dhaxaysa dhamaan dalalka Afrika, isaguna madaxweyne ka noqodo.

La Soco Qaybta Saddexaad.

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com