Spain waxay qabatay qof lagu tahriibinayey boors

 

Booliska dalka Spain ayaa xidhay laba qof oo u dhashay dalka Moroko, kuwaas oo lagu eedeeyay in  ay isku dayeen in ay dad si sharci daro ah ku geliyaan dalkaasi.

Waxaa lagu qabtay iyagoo wado saddex qof oo labo ay ku qariyeen kuraasta gawaadhida hoostooda iyo mid lagu xidhay boorso.

Dadkaasi ayaa laga soo gudbinayay dhanka Waqooyiga Afrika.

Booliska oo Isniintii isku deyay in ay baadhaan gaadhi, ayaa waxay ka heleen qof lagu qariyay muraayadda hoosteeda, qof kale oo la geliyay kursiga dambe hoostiisa.

Laba qof oo dumar iyo rag kala ahaa oo loo maleynaayo in ay dalka Guinea kasoo jeedaan ayaa gargaar degdeg ah loo sameeyay, maadaama uu neefsiga ku yaraa.

Dhacdo taa ka duwan, wiil yar oo Afrikaan ah ayaa laga dhex helay boorso qof dumar ah ay lahayd. Dhacdo tan la mid ah ayaa la arkay 30-kii december.

Waxaa loo maleynayaa in wiilkan uu ka soo jeedo dalka Gabon, waxaana loo sameeyay daaweyn degdeg ah.

Gabadh lagu sheegay inay 22-sano jir tahay oo u dhalatay Moroko, ayaa isku deyday in ay si qarsoodi ah ku geliso Ceuta, laakiin laanta socdaalka ayaa ku amray inay furto boorsada oo ku xirneyd gaari-gacan.

Xuduudda Spain iyo Moroko ayaa waxaa ka taagan qalalaase ka dib markii muhaajiriin Afrikaan ah ay isku deyeen in ay xoog uga gudbaan.

Illaa 50 askeri Moroko ah iyo shan Spanish ah ayaa dhaawacmay kadib markii 1,100 tahriibayaal ay isku deyeen in ay xeyndaabka dumiyaan Axaddii.

Midkoodna umeysan suuragalin in uu ka gudbo halkaas, balse labo qof oo ka mid ah ayaa dhaawacmay waxaana loo qaaday cisbitaal ku yaalla Ceuta.

Intay rabshada socotay, mid ka mid ah ilaalada ayaa ishiisa ku waayay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Dhacdo taas oo 9-kii december ka dhacday xuduuda waxaa ku lu lahaa ilaa 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah.

Dalka Moroko waxaa ku sugan dad badan oo ka tahriibay dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo doonaya in ay u gudbaan Yurub.

Tahriibayaasha isku deya in ay halkaasi ka gudbaan ayaa la qabtaa, waxaana dib loogu celiyaa Moroko, ka dibna waxaa lagu sii celiyaa dalalka ay markii hore ka soo tahriibeen.

bandhige@gmail.com