Isbaheysiga Sucuudiga uu hoggaaminayo ee la dagaalamaya mucaaradka Shiicada ah ee dalka Yemen ayaa maanta sheegay in ay sii daayeen 109 maxaabiis ah, kuwaasi oo lagu bedeshay 9 qof oo Sucuudiyiin ah oo la haystay.
Hadal qoraal ah oo kasoo baxay isbaheysiga ayaan lagu faahfaahin halka iyo sida lagu qabtay Sacuudiyiinta, hase yeeshee dadka Yemeniinta ah ayaa lagu hayey meel u dhow xuduudda Sucuudiga.
Mucaaradka Shiicada ah ee Xuutiyiinta ayaa qabsaday Sanca bishii Sibtambar ee sannadkii 2014, waxaana bishii Maaraj ee 2015-kii ay weerar ku qaadeen magaalada Koonfureed ee Sanca, taasi oo madaxweyne Abdu Rabu Mansour Hadi ku qasabtay in uu u qaxo dalka Sucuudiga.
Sucuudiga ayaa markaa kadib ku jawaabay sameynta isbaheysi fulinaya duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta iyo taageeero ay siinayaan ciidamada taageersan Madaxweyne Hadi.
Dagaalka ka socda Yemen, oo ah dalka ugu saboolsan dalalka carabta, ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 6,000 oo qof.