Sucuudiga oo Eeraan ku eedayey in ay siyaasadaysay masiibadii xajka, mar kalena iska difaacay eedaymaha loo soo jeediyey

Isjiidhkii ka dhacay Xajka ee ay ku dhinteen 719-ka qof ayaa waxa eedaymo badani ugu timid dunida gaar ahaan waddanka Eeraan oo 136 qof kaga dhinteen.

Boqortooyada Sucuudiga  ayaa mar kale beenisay eedaha ka soo yeedhay Eeraan ee ah in gudashada Xajka ay si khalad ah u maamuleen sidaas daraadeedna ay qaataan masuuliyadda dhacdadaas.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Sucuudiga, Cadel al-Jubeyr, waxa uu Iiraan ku eedeeyay in siyaasad ay u beddeleen musiibadan ay ku dhinteen boqolaalka qof ee gudanayey waajibaadka Xajka.

Sucuudiga ayaa warkan soo saaray kadib markii hoggaamiyaha Eeraan uu ku baaqay in Qaramada Midoobay ay baadhitaan ku samayso dhacdadii ka dhacday Xajka.

Labada dhinac ayaa maalmihii u dambeeyey warbaahinta isugu jawaabayey iyadoo ay Eeraan tahay waddanka tirada ugu badan ee xujaaj ahi kaga geeriyoodeen dhacdadii xajka.

babdhige@gmail.com