Sucuudiga oo sheegay in xujaajtu aanay raacin tilmaamihii la siiyey

Dawladda Sucuudiga ayaa iska fogeysay eedda masiibadii shalay ka dhacday xajka, waxayna sheegtay in xujaajtu ay khaladka lahaayeen khaladka kadib markii ay u hoggaansami waayeen tilmaamihii la siiyey.

Hadal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga ayaa sidoo kale uu Sucuudigu isaga difaacay  eedaymo ay shalay Iiraan u soo jeediyey Sucuudiga, iyadoo dalka Sucuudiga ku canaanatay in ay tahli kari waayeen in ay sugaan amniga xujaajta. Dalka Iiraan waxa masiibadii shalay kaga geeriyooday xujaaj tiradoodu dhan tahay 131. Iiraan waxa ay masuuliyadda khasaarahan dusha ka saartay Sucuudiga oo uu ka dhaxeeyo xafiiltan siyaasadeed.

Dhinaca kale shirkad bixisa adeegyada safarrada xajka oo fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in masuuliyiinta Sucuudigu xidheen laba waddo oo ay dadku isticmaali jireen, taasina ay keentay isjiidhka iyo is cidhiidhiga dhimashada horseeday.

Dawladda Sucuudiga ayaan wali si rasmi ah u soo saarin tafaasiisha iyo liiska dadka dhintay iyo waddamada ay u kala dhasheen. Hase ahaatee Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis Al-Sucuud ayaa xalay amar ku bixiyey in baadhis degdeg ah lagu sameeyo si loo ogaado wixii sababay dhacdadan ka argagixisay dunida muslimka.

bandhige@gmail.com