Sucuudiga oo taageero ka helay wasiirada Arrimaha Dibedda Carabta

Shir ay shalay ku yeesheen Qaahira wasiiradda arrimaha dibbeda ee wadamada ururka Jaamacada Carabta ayaa waxay ku taageereen dawladda Sucuudiga oo xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay waddanka Eeraan ka dib markii Sucuudigu dileen waddaad Shiicada Sucuudiga, ka dib dad gadoodsani gubeen safaarada Sucuudigu ku lahaaa Eeraan.

Siddeed waddan oo ka tirsan jaamacadda Carabta ayaa waxay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jareen dawladda Eeraan.

Shir –jaraa’id oo ay wada-jir u soo saareen wasiiradda arrimaha dibedda waddamadan ayaa waxay ku sheegeen in ay baadhitaan ku samayn doonaa weerarkii safaaradda Sucuudiga ee Tehran, taasi oo ay sheegeen in ay baadhitaankaasna u gubdin doonaan Golaha Ammaanka, si ay go’aan u gaadhaan arrintaas.

Xidhiidhka Eeraan iyo waddamad Carabta ayaa ah mid galay waji cusub ka dib markii ayaa gaadhay ilaa siddeed waddan xidhiidhka u jareen Eeraan.

bandhige@gmail.com