Sucuudiga oo xidhiiidhka u jaray Eeraan

Xidhiidhka u dhaxeeya labadan dalka ee kala hoggaamiya laba madhabood ee shiicada iyo sunniga ayaa ahaa mid cago badan ku taagan, balse haatan kala xidhiidh furtay ka dib markii Sucuudigu dilay waddaad shiico oo ka soo jeeda shiicada Sucuudiga.

Dawladda Eeraan ayaa aad uga cadhootay dilka sheekha oo markii dambena dad gadoodsani waxay gubeen safaaradda Sucuudiga ee Tahraan iyo qunsuliyad ku taalay magaalada Mashad.

Dawladda Sucuudiga ayaa waxay qaatay go’aan degdeg ah oo ay waddankeeda ka eriday diplomaasiyiin reer Eeraan ah.

Madaxweynaha Eeraan, Xasan Ruuxaani, ayaa waxa uu dhaleeceeyay rabshadahaasi, balse waxa uu sidoo kale cambaareeyay dilka wadaadkaasi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadamnimada.

Sidoo kale hogaamiyaha ruuxiga ee Eeraan, Aayatullaah Cali Khamani ayaa saadaaliyay in uu dhici doono aargoosi weyn.

Xidhiidhkan diblomaasiyadeed ee u dhexeeyey Eeraan iyo Sucuudiga ayaa waxa uu saamayn ku yeelan doonaa arrimaha siyaasadda Bariga Dhexe.

bandhige@gmail.com