Sucuudigu wuxu xabsiga ka sii daayey haween caan ah oo u dooda xuquuqda aadamaha

Sucuudiga ayaa xabsiga ka sii daayey Samar Badawi iyo Nassima al-Sadah oo ah laba haween ah oo caan ah u dooda xuquuqda aadamaha, gaar ahaan xuquuqda haweenka. Waxa haweenkan la xidhay bishii August ee 2018kii, wakhtigaas oo dawladda Sucuudigu ay gacan culus u qaadday dadkii ka soo hor jeeday.

Haweenkan ayaa waxay dagaal adag la galeen hanaanka muxrimka ee Sucuudi Carabiya kaas oo dhigaya in haweenaydu safarada ay u baxayso ay muxrim kaxaysato, isla markaana go’aanada waaweyn ee ay noloshooda haweenku ka qaadanayaan in ay go’aamiyaan aabaha, odaygeeda ama muxrimiinta kale.

Haweenkan oo ka soo laacay saddex sanno ayaa la sii daayey kadib markii ay dhammaatay muddadii lagu xukumay. Waxaanay sii dayntoodu ku soo beegantay wakhti la oggolaaday in haweenka Sucuudigu ay kaxeeyaan baabuurta isla markaana la khafiifiyey doorkii muxrimka ee Sucuudi Carabiya.

Haweenkan ayaa markii la xukumayey waxa lagu eedeeyey in ay gacan-saar la yeesheen cadowga Sucuudiga sidoo kalena ay dhaqaale ku taageereen.

Ilwareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah