Suldaan Abu-Sufyaan wuxu ku baaqay in laga hortago qaadka miiraaga

“Shacab iyo xukuumadba hurdada ha laga kaco oo ha laga hor tago aafada qaadka miirooga oo dalkeena ku soo fool leh” sidaa waxa yidhi Suldaan Abu-Sufyaan oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo qoraal soo gaadhsiiyey Bandhige.

Suldaanku wuxu sheegay in uu warbaahinta qaarkeed ku arkay Madaxweyne-Xigeenka Kiiniya William Ruto oo booqday beeraha uu ka baxo qaadka miiraagu kadibna ugu ballan-qaaday in uu suuqii ka xidhmay ee Yurub ugu beddeli doono suuqa Somaliland.

Suldaanku wuxu ka digay haddii aan laga hortagin miiraaga in uu horseedi doono burbur bulsho oo hor leh.

“Iyadoo aynu la il-daran nahay kii Itoobiya haddii uu miiraaga Kiiniya inoogu biiro waxa aynu sugnaaba waa burbur bulsho oo hor leh. Waa in aynu dhammaanteen ka hor tagnaa” ayuu yidhi Abu-Sufyaan.

Suldaan Abu-Sufyaan wuxu bulshada kula taliyey in ay iska daayaan qabyaaladda iyo arrimaha siyaasadda ee ay ku mashquulsan yihiin oo ay u soo jeedsadaan arrimaha dhibaatayn kara guud ahaan bulshada sida jaadka oo kale.

Suldaanka waxad kala xidhiidhi kartaa:ย suldanabusufyan@gmail.com