Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa ugu baaqay Musharaxa jagadda Madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cale Xuseen in uu ku biiro xisbiga Waddani madaama aanay waxba u oolin xisbiga UCID oo ay baryahan dambe khilaaf bani ka dhexeeyo Guddoomiyaha xisbiga iyo Jamaal.
Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa waraysi uu siiyey telefishanka Horn Cable TV kaga jawaabay baaqan Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ixtiraam weyn iga muddan, waxa uu hadalo ii soo mariyey saxaafadda kuwaas oo ku wajahnaa xisbiga UCID iyo khilaafkii xisbiga ahaa, hadaladiisa si uu u yidhi kolay dadku saxaafadda way ka arkeen, Maxamed Cabdiqaadir waxa uu yidhi xisbigii UCID waxba ma yaalaan ee xisbiga Waddani u guura, xisbiga UCID waxaan u sheegay in uu iib yahay oo nin shandada ku sito oo leeyahay.”
Jamaal Cali ayaa waxa uu sheegay in Suldaan Maxamed Cabdiqaadir uu ahaa xubnihii ka socday beesha uu Guddoomiyaha xisbiga UCID ka soo jeedo oo dhowaan isku dayey in xal ka gaadhaan muranka xisbiga UCID oo la kulmeen beesha Jamaal Cali Xuseen ka soo jeedo, waxaanay odayaashani ku dhawaaqeen in xal ka gaadheen muranka xisbiga oo UCID uu Jamaal Cali Xuseen yahay musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID balse Guddoomiye Faysal Cali ayaa shaacin in go’aankaas odayaashu gaadheen uu ku qancay, isagoo warbaahinta ka sheegay in dib u eegis ay ku samaynayaa musharaxiinta xisbiga UCID.
Sidoo kale waxa uu Jamaal Cali Xuseen sheegay in ay Suldaanka ugu wardambaysay isagoo ergo ah oo khilaafka xisbiga dhexdhexaadin ka wada, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Horta aniga Suldaanka waxa uu iigu wardambaysay Axadii kulankii odayaasha dhexdhexaadiska wadeen, waxa uu oday saxaafada arrimo badan kaga halday, waxa uu ahaa ninkii aniga iigu yeedhay xisbiga UCID ee uu Guddoomiye Faysal soo kaxaysa ee damaanad qaaday ayuu ahaa oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Cabdiwaraabe, Khadar Like iyo Xildhibaan Dheeg iyo Boqor Raabi ragaan ka xasuusto oo rag badan oo haldoor ahi ka soo jeedeen oo aan ixtiraam badan u hayo. Waxa uu ii cuntami wayday hadalkii uu Axadii yidhi iyo hadalkan uu maanta yidhi, waa laba cirka iyo dhulka isku jira, aniga hadalkayagii iskugu kaaya dambeeyey ee Suldaanku waxa uu ahaa in aan laga yeeli doonin cidna inay xisbiga kaligood duuduub ku haystaan.”
Waraysiga ayaa waxa Jamaal ku soo gebgebeeyey in aanay si dhib uga tagay xisbiga UCID balse ay ka tashan doonaa, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Dadkii taageerayaasha ahaa, musharaxiintii soo saaray xisbiga iyo odayaashii nus dambeedka ahaa ee xisbiga ayaanu kula noqonaynaa arrinka, balse haddii waxba ka hagaagi waayaan, waxaanu samaynaynaa sidii kale rag samayn jireen, haddii Alle yidhaahdo.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa wax jawaab ah ka bixin dhawaqa Suldaanka Guud iyo Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo labadoodu walaac weyn ka muujiyey xisbiga UCID oo uu Suldaanku ku tilmaamay xisbi nin leeyahay iyo Jamaal Cali Xuseenna ka dayriyey khilaafka ba’an ee ka dhex aloosan xisbiga UCID.