Suudaan oo xeerar adag ka soo saartey cayda Asxaabta Rasuulka (SCW)

Bashiir4

Dawlada Suudaan ayaa ku dhaqaaqadey talaabo ku dayasho mudan ka dib markii  dadka qaarkood caadeysteen in ay caayaan ama dhaleeceeyaan asxaabtii Rasuulka (SCW) waxaanay sharciyeysay xeerar ay ka mid yihiin:

Qodobka 125 aad ee xeerka ciqaabta Suudaan waxa uu cadeynayaa in qofkii caaya mid ka mid ah Asxaabta Rasuulka (SCW)  ama mid ka mid ah xaasaskiisii  la xidhi doono shan sano oo xadhig ah hadii uu ku noqdo oo uu sidaa ku akaystana waa dil.

Qodobkaas faqradiisa (A) wuxuu dhigayaa qofkii Quraanka dhaleecaya waxaa loo aqoonsanayaa in uu gaaloobey.

Isla qodobkaas faqradiisa (B)  qofkii ku sheega Asxaabta Rasuulka qaar ka mid ah in ay gaaloobeen waxaa loo aqoonsanayaa in uu yahay gaal ka baxay diinta.

Sidoo kale faqarada (J) ee isla qodobkaas 125 aad waxa uu dhigayaa qofka Caa’isha ku gana waxa uu Quraanku ka bari yeelay in uu yahay gaal