Suuriya: Duqeyntii labaad ayaa lala beegsaday cisbitaal ku yaalla xalab oo hore loo duqeeyey

Duqeyn dhinaca cirka ayaa waxa lala beegsaday cusbitaal ku yaalla magaalada Xalab oo ay ku dagaalamayaan mucaaridka iyo xoogaga dawladda iyo kooxaha taageersan.

Cisbitaalka ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu burburay kadib markii lagu soo riday laba foostooyinka qarxa ah sidaasna waxa sheegay Hay’adda Syrian American Medical Society oo taageerta cisbitaalkaasi.

Isla cisbitaalkaasi ayaa waxaa horaantii todobaadkan lala beegsaday weerar kale.

Dhanka kale, waxa jira warar sheegaya in ciidanka dawladda Suuriya iyo xooggaga mucaaridka ahi ay ku dagaallamayaan xaafado ka mid ah qeybaha qadiimiga ah ee magaalada Xalab.

bandhige@gmail.com