Taageerayaal gadoodsan oo koox Israa’iil ah ku dhex garaacay garoon dhexdiis

Kooxda Ironi Ashdod oo ka jirta dalka Israa’iil ayaa ciyaar saaxiibtinimo ugu tagtey kooxda lagu magacaabo CSKA Sofia oo ka jirta dalka Bulgaariya.

Kooxda Ironi Ashdod ayaa ciyaartoygeedii lagu dhex garaacay garoonka ka dib markii ciyaartow ka mid ahi ku xanaaqay ciyaartow kooxda kale ah, ka dibna kaadh cas la siiyey ayey taageerayaashii daawanayey ciyaartaasi ka cadhoodhii xanaaqadaas ka dib waxa ay soo galeen garoonka, waxaanay ku eryadeen dhagxaan iyo quraarado ciyaartoygii kooxda Israa’iil, halkaasna ciyaartii ku joogsatay.

Sida wararku sheegayaan waxa la arkayey mid ka mida ciyaartoyga kooxda Ironi Ashdod oo madaxda lagaga dhuftay quraarad oo dhiig badani ka daadanayo.

Maah markii ugu horeysay ee koox Israa’iil ahi lagula dagaalamo garoon dhexdeed, waxa hore looga mamnuucay kooxaha Israa’iil inay ku dhex ciyaaraan Ingiriiska.

bandhige@gmail.com