Taageerayaasha Kagame waxay bilaabeen dabaal-deg, kadib doorashada Madaxweynenimoo ee shalay dhacday

 

 

Taageerayaasha Madaxweynaha Ruwaanda, Paul Kagame, ayaa bilaabay in ay dabaal-degaan kadib markii lagu dhawaaqay in uu mar saddexaad si weyn ugu guulaystay in uu xilka sii hayo.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii uu Mr Kagame ku guulaystay boqolkiiba 98 cododkii la dhiibtay, taas oo ay kula tartamayeen laba qof oo aanan sidaa loo aqoon.

Kagame ayaa xilka hayay 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Taageerayaashuna waxa ay ku amaaneen in dalka uu ku soo dabaalay xasilooni, dhaqaalahana uu horumariyay kadib xasuuqii 1994-kii.

Hasayeeshee dadka ka soo horjeeda oo intooda badan ku nool dalka dibaddiisa ayaa waxa ay ku eedaynayaan inuu dalka ku xukumo cabsigelin iyo cabudhin uu ku hayo dadka isaga ka soo horjeedo.

bandhige@gmail.com