Taageerayaasha KULMIYE ee Degmooyinka Laasciidle, Xagal iyo deegaannada Hoos yimaadda ayaa waxay sameeyeen shalay isu soo baxyo ballaadhan oo ay kaga qaybgalay Maalinta afaraad ee ololaha Xisbiga

 

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka Xagal iyo Laasciidle iyo deegaannada hoos yimaadda oo ay kamid yihiin Xididaaley, Raari-bul, Ceel-baxay, Beeyo Macaan iyo Beeyo dhaadheer, ayaa si ballaadhan u muujiyey u muujiyey taageerada ay KULMIYE iyo murrashaxiintiisa u hayaan maalinta saddexaad ee ololaha xisbiga.

Isu soo baxyada ay taageerayaasha KULMIYE ku muujiyeen hiilkooda, ayaa waxa kala qaybgalay guddoomiyaha xisbiga, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi, siyaasiyiin, wasiirr, xildhibaanno, maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxl, haween iyo haldoor kale oo bulshada katirsan, waxana ay bulshadani muujisay inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE.

Kumanaan katirsan taageerayaasha KULMIYE oo ku lebbisan astaamaha xisbiga KULMIYE, ayaa caleemo qoyan kusoo dhaweeyey weftiga guddoomiyuhu hoggaaminayo, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shacabka degmooyinkan iyo deegaannada hoos yimaadda ku nool ee sida hagar laโ€™aanta ah u muujiyey taageerada KULMIYE, waxana lagula dardaarmay inay maalinta codaynta ku hubsadaan KULMIYE.
Qaar kamid ah haldoorka odayaasha, cuqaasha iyo salaadiinta deegaannada, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay inay deegaannadani ka siman yihiin taageerada KULMIYE, isla markaana ay codkooda ku garabgeli doonaan.

Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo weftigan kamid ahaa, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka deegaannadan ku dhaqan, waxana uu ku adkeeyey in iyaga oo isku duuban ay codkooda la garab galaan KULMIYE.

Siyaasi Xuseen Cali Ducaale Cawil, ayaa isaguna si ballaadhan uga mahadnaqay isu soo baxyada ay taageerayaasha KULMIYE ee degmooyinka Laasciidle iyo Xagal iyo deegaannada hoos yimaaddaa u muujiyeen KUMIYE, isamarkaana ay codkoodana la garab galaan maalinta codaynta.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi oo shacabka deegaannadan la hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey shacabka deegaannadan, waxana uu sheegay inay deegaannadani yihiin meelaha ay KULMIYE ahaan sida gaarka ah ugu xisaabtamayaan ee horeba u taageeri jirey xisbiga.

bandhige@gmail.com