Taariq Casiis oo geeriyooday

epa02413431 (FILE) An undated file picture shows former Iraqi deputy prime minister Tariq Aziz in Baghdad, Iraq. Former Iraqi foreign minister Tariq Aziz, for many years the public face of Saddam Hussein's Iraqi regime, was sentenced to death by hanging by the Iraqi Supreme Court in Baghdad on 26 October 2010. EPA/ALI HAIDER

Taariq Casiis oo wakhtigii Saddaam Xuseen Ciraaq ka ahaa Ra’iisal-Wasaare-Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda in ka badan 23 sanno ayaa goor dambe oo Jimcihii ah ku geeriyooday Ciraaq isagoo maxbuus ah da’diisuna ay tahay 79.

Saraakiil Ciraaqiyiin ah ayaa sheegay in uu Taariq Casiis geeriyooday kadib markii uu ku soo booday wadno-xanuun Khamiistii.

Siyaad Casiis oo ah wiil uu dhalay Taariq ayaa sheegay in xukuumadda Ciraaq aanay la socodsiin dhimashada aabihii balse uu warbaahinta uun ka maqlay.

Taariq wuxu ku dhashay Mikhail Yuhanna 1936kii, wuxuna ahaa Kiristaanka Ciraaq qofkii darajada ugu sarreysa gaadhay wakhtigii uu Saddaam Xuseen madaxweynaha ka ahaa Ciraaq, sidoo kale wuxu ahaa raggii shidka u fadhiyey xibul-bacaskii Ciraaq.

2010-kii Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee Ciraaq Taariq waxay ku xukuntay dil kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo uu geystay wakhtigii uu la shaqaynayey Saddaam Xuseen.

Taariq Casiis wuxu isku dhiibay Maraykan in yar uun kadib markii Maraykanku dalkaa weerarka ku qaaday 2003-dii. Wixii intaas ka dambeeyey noloshiisa wuxu ku qaatay xabsiga.

Taariq wuxu ka mid ahaa dadka ay ugu neceb yihiin reer Ciraaq, taas oo keentay in geeridiisa aanay werin xalay  telefishannada Ciraaq.

Kadib markii la jabiyey xukuumaddii uu ka tirsanaa iyo intii ka dambaysay ee uu xabsiga ku jirayba Taariq Casiis daacad ayuu u ahaa Saddaam Xuseen.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com