Guddoomiyaha Waddani oo tacsiyeeyey Xildhibaan Cabdiqaadir Askar

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) waxa uu tacsi u diray , golayaasha Qaranka Somaliland , waayeelka, wax-garadka ,eheladii Qaraabadii,qoyskii iyo shacabka Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha- u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo habeenkii Xalay ahaa 01/08/2018-ka  ku geeriyooday Magaalada London ee Dalka ingiriiska.

Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo mudaneyaashii aqalka golaha Wakiilada Somaliland ee uu Marxuumku ka tirsanaa mudada dheer isaga oo ku sifeeyey inuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi,Waxa kale oo uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer ka soo mid ahaa xildhibbaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee wakhtiga badan u soo hurey siddii qaranka Somaliland u horumari lahaa una heli lahaa shuruuc iyo nidaamyo kala dambeyneed oo ku dhisan sharciyo adag.

Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waaxda War-baahinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa Somaliland