Tahriibayaal ku dhintay Turkiga iyo Giriiga

Tahriibayaal gaadhay 55 qof ayaa waxay ku dhinteen doomo qaracmay Turkiga iyo Giriiga.

Ugu yaraan 40 qof ayaa waxay ku dhinteen shilal ka dhacay xeebaha Turkiga, sidoo kalena waxa laga helay maydadka 14 qof xeebaha Giriiga.

Ilaalada xeebaha Greece ayaa waxay sheegee in 41 qof ay soo gaadheen xeebaha ka dib markii ay doon kula degtay meel u dhow xeebta jasiiradda yar ee Farmakonissi ee dhacda bariga badda Aegean-ka.

Dawladdaha Jarmalka iyo Turkiga ayaa magaalada Berlin kaga shiraya wixii ay ka yeeli lahaayeen dhibaatada dadka soo galootiga ah.

Raysal Wasaaraha Faransiiska ayaa isaguna ka digay in mujtamaca Yurub ay gebi ahaanba la kulmi doonaan xasillooni darro haddii ay isku-dayaan in ay qaataan qof kasta oo qaxooti ah oo qaaradda yimaad, dhawaaqan Faransiiska ayaa waxay imanaysaa markii ay koox argagaxiso ah.

 

bandhige@gmal.com