Talihiyii hore ee sirdoonka Baakistaan ahaana maskaxdii abuurtay Daalibaan oo geeriyooday

Xaamid Guul oo ahaa madaxii sirdoonka Baakistaan intii u dhaxaysay 1987 ilaa 1989-kii, isla markaana ahaa maskaxdii abuurtay xarakada Daalibaan, ayaa xalay u geeriyooday dhiig maskaxda kaga furtay isagoo ay da’diisu tahay 79.

Xaamid Guul wuxu 80-aadkii ka tirsanaan jiray ciidamada Baakistaan, wuxuna sumcad weyn ku helay hal-adayggiisa iyo sidii dhiiranayd ee uu uga hor yimid iskaashigii ka dhanka ahaa Daalibaan ee dhex maray Baakistaan iyo Maraykanka wakhtigii uu socday dagaalkii loogu magac-daray “la-dagaallanka argagixisada.”

Xarakada Daalibaan oo ka tirsan liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay ayaa Xaamid Guul uu isagu ku sifeeyey marar badan in ay yihiin geesiyaal dalkooda ka difaacaya Maraykan iyo Hindiya.

Dhawaanna Xaamid Guul wuxu si qarsoodi ah uga qayb-galay aaska hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Daalibaan Sheekh Mullah Maxamed Cumar.

Geerida Xaamid Guul waxay war wanaagsan u tahay Maraykanka iyo Hindiya oo ka raysan doonaa hadalkii aadkaa ee uu hadh iyo habeen la taagnaa warbaahinta ee uu ku dhallili jiray labdan dal.

Dalka Baakisaan dhexdiisa Xaamid Guul wuxu ka ahaa nin lagu muransan yahay oo marar badan haddaladdiisu ay buuq ka dhex alooseen bulshada Baakistaan.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in ay Xaamid Guul ku daraan liiska argagixisada, hase ahaatee waxa hor joogsaday dalka Shiinaha.

Hoos ka daawo Xaamid Guul mar uu waraysi siiyey Aljazeera 2010-kii.