Taliska Ciidanka bilayska ayaa tababar usoo xidhay 45 askari oo bartay xirfadaha bilayska

Taliska ciidanka bilayska ayaa tababar usoo xidhay 45 askari oo dhamaystay tababar dhinaca nabad-galyada, adeeg deg-dega ah iyo xirfada isdifaaca ah, tababarkaas oo socday muddo laba todobaad.

Dufcadana tabobarka dhamaystay ayaa noqonaysa dufcadii saddexaad ee qaadatay tababarkan.
dhammaan saraakiishii ka hadashay xaflada lagu soo xidhayey tababarkan ayaa sheegay muhiimada tababarkani u leeyahay ciidanka booliska, kula dar daarmay ciidanka dhamaystay tababarka in ku dabaqaan hawl maalmoodkooda joogtada.

Ugu danbayntii waxa ka hadlay oo afmeeray xaflada dhamaystira tababarka xirfadaha kale duwan ee ciidanku qaateen Taliyaha Ciidanka Bilayska Sareeyo Guuto Cabdilahi Fadal Iiman, oo ka waramay faa’iidada uu tababarkani askarta u leeyahay.

Waxa kale Fadal sheegay inay askarta tababarka dhamaystay wax badan ku soo kordhin doonaan bulshada, iyagoo bartay ilaalint nabad-galyada, adeega deg-dega ah, iyo isdifaaca ciidanka booliska

Sidoo kale wuxuu sheegay in tababaradani sii socon doonaan, la gaadhsiin doonana dhammaan gobollada dalka iyo degmooyinka Somaliland

Ugu danbayntiina wuxuu la dardaarmay askartan dhamaysaty tababarka in ay marwalba ku dadaalaan in ay bulshada ugu shaqeeyaan una adeegaan si ku jirto wadaninimo iyo ciidan bilays ahaan.

Gebo gebadii xaflada waxa shahaadooyin la gudoonsiyey askartii tababarka dhamaysatay.

 

bandhige@gmail.com