Taliyaha Booliska JSL oo Kulan la Qaatay Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidaninka ee Gobollada Togdheer iyo Saaxil

Burco (Dawan)- Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo hawlo shaqo ku tagey gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa kulamo la qaatay taliye qaybeedyada iyo saraakiisha ciidamada Booliska ee labadaas gobol.

Taliye Dabagale, ayaa warbixin la xidhiidha xaalada guud ee nabadgelyada ka dhageystay taliye qaybeedyada iyo kuwa Saldhigyada, oo sheegay in hadda xaalada nabadgelyo ee gobollada Togdheer iyo Saaxil ay fiican tahay, waxaaney xuseen in markasta ay heegan ugu jiraan adkaynta nabadgelyada.

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidamada iyo Taliyayaasha qaybaha kula dardaarmay xoojinta shaqooyinka muhiimaka ah ee Ciidanka Boolisku dalka ku hayaan iyo sidii ay u sii laba jibaari ahaayeen sugid amniga iyo ilaalinta shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) ayaa kula dardaarmay taliye qaybeedada labada gobol sidii loo xoojin lahaa ilaalinta amniga iyo ka shaqaynta wadajirka bulshada oo xudun u ah nabadgelyadda.

Gaba-gabadii Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa ku bogaadiyay Taliyayaasha iyo Saraakiishaba sidii wanaagsanayd ee ay u xuseen Munaasibadda Maalinta Qaranimada JSL ee 18-ka May, waxaanu faray inay isha ku hayaan wax kasta oo amniga iyo nabadgelyada bulshada Somaliland ku caano maashay wax u dhimaya.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com