Taliyaha Ciidamada Ugaandha oo safar kedis ku tegay Muqdisho

Taliyaha ciidamada Ugaandha ee loo yaqaan UPDF Jeneral Katumba Wamala, ayaa shalay safar kedis ah oo aan hore loo shaacin ku tegay Muqdisho ka dib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen fadhiisimadda Ciidamadda Ugaandha ee Janaale.

Sida wararku sheegayaan safarkan jeneral Wamala oo ahaa mid deg deg ah ayaa kulamo la qaadan doono taliye-yaasha, saraakiisha ciidamada Ugaandha iyo kuwa kale ee AMISOM.

Sidoo kale waxa uu kuur gali doonaa xaalada amni ee ka jirta Soomaaliya, sidoo kale samaynta weerarkii Al-shabaab ku qaadeen ciidamadda Ugaandha.

Hase ahaatee wali ma cada in jeneral Wamala uu booqan doono degmada Janaale oo ahayd halkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ay weerarka gaadmada ah kaga qaadeen Saldhiga Ciidamada Ugaandha.

Weerarkan gaadmada ah oo dhacay maalintii Salaasadii ayaa waxa ciidamada Ugaandha kaga dhintay ku dhawaad ilaa 50 askari, inkasta oo saraakiisha AMISOM ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan tirada rasmiga ah ee kaga dhimatay weerarkaasi.

Sidoo kale wali haatan waxa la la’ayahay askar aan tiradooda la xaqiijin ilaa shalayna waxa la arkaayay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo lagu baadigoobayay askartaasi.

Weerarkan Janaale ayaa noqonaya weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaadha tan iyo intii ay ciidamada Ugaandha yimaadeen Soomaaliya 2007-dii.

Taliyaha ciidamada Uganda Jeneral Wamala ayaa isagu dhawr jeer oo hore booqasho ku yimid dalka Soomaaliya, hase ahaatee maaha socdaalkan kii ugu horeeyey uu ku yimaado.

2014_5$largeimg408_May_2014_232054153gallery

bandhige@gmail.com