Taliyaha Laanta Socdaalka oo kormeeraya qulqulka qaxootiga ka soo cararaya Yemen

Qaxootiga ka soo cararaya qulqulatooyinka Yemen ayaa weli ku soo qulqulaya Berbera iyadoo dagaalkii Yemen ka socday aanu weli joogsan.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf “Ina Cambaro” ayaa u socdaalay Berbera si uu goobjoog ugu ahaado 119-kii qof ee u dambeeyey oo 30 ka mid ahi carruur yihiin oo xalay Khamiistii ka soo degay Berbera iyagoo la kala socday laba doonyood.

77 qof oo ka mid ah qaxootigaasi waa Yemeniyiin, inta soo hadhayna waxay u kala dhasheen Somaliland iyo Soomaaliya.

Taliye Maxamed Cambaro wuxu sheegay in uu socdaalkiisu la xidhiidho si uu indhihiisa ugu arko qaxootiga imanaya iyo sida loola dhaqmayo.

“Socdaalkaygu wuxu qaadan doonaa laba maalmood, ujeeddadiisuna waa in aan u kuurgalo sida hawlaha hubinta qaxootiga iyo soo dhawayntoodu u socdaan” Maxamed Cambaro, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland

Sidii uu u bilaabmay dagaalku bishii March ee sannadkan,  walow aanay weli Somaliland iyo Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR si rasmi ah u shaacin, tirada qaxootiga ee Somaliland soo gaadhay ayaa lagu qiyaasaa in ay tahay ku dhawaad 10,000 oo qof iyadoo qaarna ay Somaliland ku negaadeen kuwo kale-na u gudbeen dalalkoodii ay asal ahaan ka yimaadeen oo ay Soomaaliya ugu badan tahay.

Qaxootiga Yemen
Sawi hore: Qaxooti ka yimid Yemen oo soo gaadhay Berbera

Hase ahaatee Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cambaro ayaa ballan-qaaday in Jimcahan maanta uu shaacin doono istaatistiko la xidhiidha tirada sugan ee qaxootiga ah ee dalka soo gaadhay, waddamada ay u kala dhasheen, inta gudubtay iyo inta Somaliland ku sii negaatay. Warbixintani waxa ay muujin doontaa heerka uu gaadhsiisan yahay culayska Somaliland ka haysta qaxootiga iyo waxa uu yahay qorshaha uga yaal xukuumadda.

Qaxootigii soo yimid wixii ka horreeyey 30-kii May oo ka badnaa shan kun oo qof waxa cuntadooda iyo kharashka nooligooda qabay Somaliland. Hase ahaatee markii ay sii wadi kari wayday ayay hal maalin halisay taas oo keentay in markii dambe ay UNHCR ogolaatay in ay caawiso Somaliland-na dhankeeda ogolaatay in qaxootigu iman karo.

bandhige@gmail.com