Tallaallada Pfizer iyo AstraZeneca ayaa la ogaaday in ay si wacan uga hor tagayaan nooca halista ah ee COVID 19 ee loo yaqaan DELTA

Warar iska soo daba dhacaya oo ka imanaya meelo kala duwan oo dunida ayaa tibaaxaya in tallaalada COVID 19 ay si wax-ku-ool ah uga hor tagayaan noocyada kala duwan ee fayraskan dunida faraha baas ku hayey muddada sannadka iyo dheeraadka ah.

Daraasad cusub oo la shaaciyey Arbacadii oo lagu daabacay majalladda New England Journal of Medicine ayaa lagu sheegay in tallaalada Pfizer iyo AstraZeneca ay si wacan uga hor tagayaan nooca halista ee loo yaqaan DELTA oo markii ugu horaysay lagu arkay India. DELTA waa nooca ugu badan COVID 19 ee dunida ka jira maanta.

Qofkii qaata labada wareeg ee tallaalka Pfizer wuxu jidhkiisku ka hor tagi karaa fayraskan 88%, qofkii qaata labada wareeg ee tallaalka ee AstraZeneca wuxu jidhkiisu ka hortagi karaa 67%, taas oo ah difaac sarreeya, labada tallaal haba sii kala difaac sarreeyaane.

Daraasaddani waxay waafaqday tii uu bishii May baahiyey Xafiiska Caafimaadka Dadweynaha ee Iglan (PHE), kaas oo sheegay in tallaalada Pfizer iyo AstraZeneca ay si wacan uga hor tageen COVID 19 markii la tijaabiyey dadkii qaatay tallaalka iyo heerkii uu jidhkoodu iska difaacay fayraska soo weeraray.

Tallaaladani sidoo kale inta ay ka hor tagaan DELTA in ka badan ayay ka hor tageen noocii hore ee COVID 19 oo hadda loo yaqaan ALPHA.

Hase ahaatee waxtarka tallaalkani aad uma xoog badna marka uu qofku qaato  hal wareeg oo kali ah oo aanu qaadan tallaalka labaad. Halka tallaal wuxu ka hor tagayaa inta u dhaxaysa 36% ilaa 30% taas oo ah difaac hooseeya. Taasina waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in dadku qaataan tallaalka labada wareegba.

Ruushka ayaa isaguna sheegay in tallaalkiisa loo yaqaan Sputnik uu 90% ka hor tagayo COVID 19 nooca loo yaqaan DELTA. Hase ahaatee waxa walaac laga muujiyey in tallaalkan la siiyey dadweynaha Ruushka iyada oo aanu wali dhammaysan tijaabooyinkii iyo baratakoolaadkii tijaabinta tallaalada caafimaadka. Waxa iyaduna jirta in hay’adda caafimaadka adduunka, WHO, aanay wali ansixin tallaalka Ruushka, taas oo caqabad ku noqotay in dunida inteeda kale si baahsan looga isticmaalo.

Il-wareed: Aljazeera