Talyaanigu wuxu badbaadiyey kumannaan muhaajiriin ah oo ku qarqoomi gaadhay badda Liibiya

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga ayaa sameeyey hawlgal lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee maalin kaliya lagu badbaadiyo tahriibayaal ka soo gudbaya Liibiya.

Sabtidii ayaa tahriibayaal qaylinaya oo kala saaran 4 doonyood oo qaar loox yihiin kuwa kalena bac naqas lagu buufiyey ay yihiin ay la soo xidhiidheen ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga iyagoo ka werwersanaa in doonyaha dhaakodhaakhada ah ee ay saaran yihiin ay la quusaan. Markii ay qaylo-dhaanta soo dirteen doonyaha wax tahriibinayey wax yar ayuun bay ka sokooyeen halkii ay ka soo dhaqaaqeen oo ka tirsanayd badda Liibiya ee Midhitiraaniyaanka.

5 markab oo ciidamada Talyaanigu leeyihiin ayaa markiiba gurmadka ka qayb-qaatay waxaana ugu dambayntii u suurto-gashay in ay badbaadiyaan tariibayaal tiradoodu ka badan tahay 3,000 oo qof oo ay ku jiraan caween iyo carruur aad u yaryar.

Tahriibayaasha ka gudbaya badweynta Midhitiraaniyaanka ayaa isasoo tarayey tan iyo intii ay burburtay xukuumaddii Liibiya.

Bandhige@gmail.com