Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.1aad (WQ: Xasan Ciise)

 

Maalmahan ama bishan badhtamaheedii waxaa si rasmi aha ugu bilaabmay guud ahaan gobolka Awdal is-diiwaangelinta cod bixiyeyaasha taasi oo la rabo in kal danbe dad qorshaysan oo nidaamsan wax kala doortaan haddii Ilaahay innagu simo.

Waxaa bar bar socday is-diwaangelintaa tartan aad u weyn oo ay soo ababuleen madaxda xisbiyada Qaranka ee hadda jira kuwaas oo ay ugu fadallo caddaayeen Kulmiye iyo Waddani, UCID waxen odhan karnaa wuu qarnoonsanaa oo nabaradii ka soo gaadhay khilaafkii ayaa dhaawaciisu ka muuqaday markaa Cali Guray mooyee siyaasiyiin kale oo muuq leh kama dhax muuqan is-diiwaangelinta Awdal.

Mudane Cirro iyo Biixi waxa ay kala wateen laba wefdi oo aad u ballaadhan waxaanay maagalada xarunta u ah Awdal ee Boorama soo gaadheen laba iyo saddex cisho ka hor. Weftiga Muuse Biixi ayaan soo horreeyey, waxaanu ahaa wefdi isa sudhan oo wada socda haddana kala socda.

Waxan uga jeedaa waxaa hoggaaminaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici. Waxaa marar badan isku qaldamaayey Muuse iyo Saylici kooda sarreeya. Musharaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye waa Muuse oo uu ku-xigeen u yahay Saylici isla markaana waxa weftiga hoggaaminaya madaxweyne-ku-xigeenka qaranka oo hadda jago fulineed haya halka ay ta Muuse ka tahay mid Xisbi. Halkaas waxa ka timid isku-marnaan aad marba mid is odhanayso kan baa sarreeya iyo maahee kan kalaa sarreeya. Sidii la doono ha loogu wareero kooda sarreeya’e waa ay kala qorshaysteen sida ay wax u qabanayaan, sax iyo khalad kay doontaba ha u muuqatee.

Marka dhab loogu fiirsado, weftiyada xisbiyadu in ay reer Awdal is-diiwaangelinta ku dhiiriyaan waxaa kala weynayd in mid kastaa in uu taageeroyaal mug leh helo. Waxaanay qabsadeen kulammo guud iyo kuwo duceedyo ah oo aan kor loo qaadin, haddii ay tahay in dadka beel-beel loola kulmo iyo haddii ay tahay in aqoonyahan iyo akhyaarba lala kulmo. Kulamadaas mid kastaa wuxu ku soo biyo-shubanayey “walaaleyaal codkiina i siiya maanta anigaa wax qaban doona ama wax soo qabtay, intaas oo naga dhimana waan ku dari doonaaye.”

Jawaabta la siinaayey waxa ay isugu jirtay hawraarsan iyo waxaa noo yeel codka waan ku siinaynaaye ama mid mujaamalo ah oo qofka siyaasiga ah uun la isaga diraayey oo qosol yar iyo hadal qurux leh la socdo.

Kulmiye weftiIMG_0444

 

Xasan Ciise Raage

Boorama