Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo ka furmay Masjidka Cali-Mataan

Xaflad lagu furay tartanka Quraanka Kariimka ee bisha Ramadaan ayaa Arbacadii lagu qabtay masjidka Cali Mataan.

Tartan ayaa sannad walba lagu qabtaa dhammaan gobollada Somaliland iyadoo inta ugu saraysa marka dambe la isugu keeno Hargeysa halkaas oo abaal-marino lagu guddoonsiiyo si loo dhiirigeliyo akhriska Qur’aanka bisha Ramadaan.

Waxa ugu horrayn xafladdii furitaanka ka hadlay Guddida Garsoorka Tartanka oo ay ka mid yihiin Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre “Ismaaciil Dheeg” iyo Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi.

Labada sheekh waxa ay sheegeen in sanadkan lagu tartami doono laba qaybood  oo kala ah 15 jis iyo 30 jis. Tirada ardayda tartanka ka qayb-qaadanaysa ayaa lagu sheegay in ay ka kooban yihiin 64.

“Tartanka qur’aanku wuxu soo nooleeyaa xufaadda iyo wuxuna dhiirigeliyaan in dad badani ay ku dhiiradaan xiftiga Qur’aanka Kariima ah” ayay yidhaahdeen culimadu.

Tartankii kal hore waxa kaalinta koowaad galay arday ka socday gobolka Maroodijeex, halka gobolka Sool arday ka socdayna uu kaalinta labaad galay, kaalinta saddexaadna gobolka Togdheer.