Tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland wuxu goor dhaw ka furmayaa Boorama iyo Burco

Tartankii muddada dheer la sugayey ee ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa salaadda casar kadib mar isku mid ah ka furmaya magaalooyinka Boorama iyo Burco .

Boorama waxa ballaysimaya kooxaha Awdal iyo Hawd halka ay Togdheerna iska hor imanayaan kooxaha Daadmadheedh iyo Togdheer.

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in uu u socdaalay Boorama si uu ciyaarahaas u furo halka xayn wasiiro ahina u socdaaleen Burco si ay iyaguna u furaan.

Halkan kala socda wixii hadba ciyaaraha gobollada Somaliland ka soo kordha.

Hoos ka akhri war kan la xidhiidha: 

Isku-aadka wareegga koowaad ee ciyaaraha gobollada oo la soo saaray