Theresa May waxay soo dhisaysaa xukuumad, kadib markii ay ogolaansho ka heshay boqorada Ingiriiska

 

Raysal-wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa soo dhisaysa xukuumad cusub, ka dib mrkii ay ogolaansho ka heshay boqorada, xilli xisbigeeda uu hoos u dhac kala kulmay doorashadii guud ee shalay ka dhacday.

Xisbigeeda muxaafidka oo aan helin aqlabiyadda uu u baahnaa si uu dawlad u soo dhiso, ayaa hadda taageero ka helay xisbiga DUP ee Northern Ireland.

Theresa May ayaa rajeynaysay in doorashada xilligeeda laga soo hormariyay ay ku xoojin doonto awoodda xisbigeeda, balse taa bedelkeeda waxa uu xisbiga lumiyay qaar ka mid ah kuraastii uu ku lahaa baarlamaanka.

Tifaftiraha arrimaha siyaasadda ee BBC ayaa sheegaya in Theresa May ay noqon doonto Raysal-wasaare aan awood badan lahayn, ayna dhici karto in muddo kooban ay xilka hayso.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ee labour-ka, Jeremy Corbyn, oo uu xisbigiisa kuraas badan oo dheeraad ah ka helay doorashada, ayaa ugu baaqay Raysal-wasaare May in ay iscasisho.

Raysal-wasaaraha ayaa xaqiijisay in wadaxaajoodka muhiimka ah ee ku aaddan sidii uu dalkeeda uga bixi lahaa Midowga Yurub, ay billaaban doonaan xilliga loogu talagalay oo ah 19-ka bishan.

bandhige@gmail.com