Tifaftiraha BBC-da Afrika Marry Harper oo tacsida Marxuum Cawke u timid Hargeysa

“Waxan u imid Hargeysa hal ujeeddo oo ah in aan dadka reer Somaliland ka tacsiyeeyo geerida ku timid walaalka ahaana saaxiibkay Cawke” sidaas waxa tidhi Marry Harper oo socdaal ku timid Hargeysa.

“Qalbigayga wax ku jira ayaa ii sheegay in aan tacsiga Cawke imaad. Waxan tigidh u soo goostay Addis Ababa, kadib waxan u soo gudbin Jigjiga waxanan u soo dhaafay Wajaale si aan u dul joogsado qabrigii Cawke” ayay tidhi Harper.

Marry Harper waxay markii dambe booqatay Wasaaradda Warfaafinta, halkaas oo ay shir-jaraa’id kula qabtay Wasiir-Xigeenka Warfaafinta Somaliland Shukri Xariir.