Tijaabadii ugu horeysay ee kala-rogga waddooyinka Hargeysa oo u eg in ay saxmad abuurtay

Tan iyo shalay markii dawladda hoose ee Hargeysa ay beddeleen hannaankii loo marayey waddada halbowlaha ah ee hor marta Qasriga Madaxtooyada iyo ta dhabarka ka marta dhakhtarka Hargeysa waxa abuurmay saxmad hor leh gaar ahaan waddada Qasriga Madaxtooyada hor marta oo hadda ay maraan gaadiidka bariga u socdaa iyadoo laba maalmood ka hor ay mari jireen gaadiidka galbeedka u socdaa.

Amarka isku-beddelka waddooyinka ee masuuliyiinta dawladda hoose ayey hirgelitiisi bilaabantay 20ka July. Tijaabidiisii ugu horeysay ee isku-bedelka waddooyinku waxay muunjinaysaa abuuritaanka sixmad cusub..

Saxmaddan ayaa dadweynuhu aad u hadal hayaan, qaar badanina ku tibaaxayeen in hanaankii hore ee Wasiirka Arrimaha Guduhu hirgeliyey uu dhaamay kan shalay hirgalay, sidoo kale dadweynuhu waxay iswaydiinayaa sababta ay masuuliyiintu daraasad u sameyn waayeen ka hor inta aanay qaadan go’aanadan isbed-bedelaya oo khal-khal ku keena gaadiidleyda.

Maalmahan soo socda ayaa la sii kala ogaan doonaa in qorshahani macquul yahay iyo in loo baahan doono in dib looga noqdo.

Amarraddan kala-rogga waddooyinka ayaa imanaya iyadoo dayac badani ka muuqdo waddooyinka Hargeysa gaar ahaan waddada dhakhtar daba marta.

bandhige@gmail.com