“Timaha dhallinyarada baylah fara badan oo ka muhiimsan baa jirta” Guddoomiyaha SONYO

Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax  ayaa barta uu Facebook-ga ku leeyahay ku daabacay qoraal kooban oo uu kaga falcelinayo ololaha booliiska Somaliland ay timaha kaga jarayaan dhallinyarada timahooga u goosta qaab kala dheer. Guddoomiyuhu wuxu qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “Timaha Dhallinyarada baylah fara badan oo ka mubiimsan baa jirta”.

Qoraalka Guddoomiye Cabdicasiis wuxu u dhigan yahay sidan:

Dhlinyarada waxa haboon in la karaameeyo aan la cabudhin lana hagerdaamayn. Waayo qof waliba wuxu leeyahay xuquuq aasaasiya. Intaan fulin iyo timo jaris khasab ah la gaadhin waxa haboon talaabooyin dhowr ah oo ka horeeya:

1. In wacyigalin iyo waano ku filan la siiyo dhalinyarada
2. In iskuulada iyo meelaha adeegyada dad weynaha lagu baraarujiyo
3. In manhajka Somaliland laga dhigo mid soo saara dhalinyarada aynu doonayno ee inoo sawiran.
4. In kaabayaasha horumarka dhalinyarada la maalgaliyo sida ciyaaraha iyo hanuuninta dhaqanka suuban. 

Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqaysaa laamaha amniga iyo cid kasta oo ku hawlan ololehan in lagu daro maskax farnaan iyo xog wadaag. Fal Fulintiisa lagu degdega masii waaro waxan haboon in laga tashado oo sida ugu haboon ee hawl kasta loo galayaa noqoto mid anfacda dalka iyo dadkiisa markaana yeelada midho dhal waara. 

Waxa ka mudan timaha dhalinyarada in wax laga qabto:
1. Qaadka iyo ka ganacsigiisa
2. Tuugta iyo kooxaha ku kaca xadgudubyada qorshaysan
3. In la ururiyo oo daryeelo darbijiifka
4. In kor loo qaado adeega waxbarashada assaaasiga ah
5. in shaqo abuur la sameeyo
6. In dhalinyarada Soo galootiga ah la sugo xogtooda, tiradooda iyo waxay ka shaqeeyaan.

ALLAA MAHAD LEH
Abdulaziz Saed