Tir-tirka raadadkii Obama waxa uu ka bilaabmay Maraykanka

 

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa shaley booqdey Capital Hill si uu ula kulmo xildhibaanada Aqalka Sare iyo kan Hoose ee xisbiga Dimuqraadiga oo uu kala hadlayey si ay ubadbaadiyo sharciga uu ka tagey ee Caymiska Caafimaadka, loona yaqaan Obama Care.

Kadib markii uu la kulmey xillibaanada Aqalka Sare iyo kan Hooseba, Madaxweyna Obama waxaa uu dhex qaadey barxada weyn ee guddaha isaga oo sawiro looga qaadayey qaybaheeda kala gedisan.

Mudanayaasha labada Aqal ee Dimuquraadiga ayaa sheegay in uu Madaxweynuhu ku dhiirigaliyey in ay wadaan dadaalka ay ugu jiraan difaaca sharciga caafimaadka, haddii ay dhacdo oo sharcigaas la tirtirana ay masuuliyada dhibaatada kasoo gaadhta dadka Maraykanka ee caymis laโ€™aanta caafimaadka ku dhacdey ay saaraan xubnaha xisbigga Jamhuuriga.

Madaxweyne-ku-xigeenka la doortey ee Mike Pence ayaa isuguna shaley tagey isla daarta Capital Hill, isaga oo dhankiisana la kulmay xubnaha Jamhuuriga ee labada Aqal kalena hadley qorshaha dawladda cusub. Mike Pence waxaa uu xaqiijiyey in ka noqoshada sharciga caafimaadka ee Obama Care uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan dawladda Donald Trump.

Labadan kulan ayaa hoosta ka xariiqaya gulfka kasoo fool leh Aqalada Sare iyo Hoose ee Mareykanka, kadib marka ay xilka la kala wareegaan labada madaxweyne ee Barak Obama oo sii baxaya iyo Donald Trump oo xilka kala wareegaya 20-ka bishan.

Madaxweynaha la doortey ee Donald Trump ayaa horey ugu sheegay Obama Care, barnaamij micno-daran islamarkaasna uu diyaar u yahay in uu tirtiro.

bandhige@gmail.com