Tirada dadka xaqa u leh inay ka codeeyaan dorashada Turkiga

Dalka Turkiga ayaa maanta waxaa ka dhici doonta codbixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

Sanaadiiqda cod bixinta waxay furmi doonaan 08.00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17.00.

In ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin ee dalka.

60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay dalka ka codeeyaan.

Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax.

Waxa kale oo mamnuuc ah in la saadaaliyo ama laga faallooda natiijada doorashada ilaa laga gaarayo 18.00