Tirada dadkii ku dhintay Xaramka oo sii kordhaysa

Ku dhowaad 107 qof ayaa ku dhimatay, sidoo kalena waxa ku dhawaacmay in ka badan 230 qof ka dib markii uu dumay wiisha qaada qalabka dhismaha oo ka dhex shaqaynayey Xaramka.

Wiish oo ahaa mid weyn ayaa waxa uu burburiyey qaybo ka mid ah masjidka xiligaas oo ay ka buuxeen xujaaj cibaadaysanayey.

Burburka wiishka ayaa waxa sababay dabaylo iyo roobabka ka da’ay Makka, sidaasna waxa sheegay madaxa waaxda dicaafa madaniga ee Sucuudiga.

Maka ayaa waxa haatana ka socda diyaar garowga marti gelinta xujaajta dunida iska timid ee gudanaya waajibkaada xajka.

bandhige@gmail.com