Tirada qaxoontiga Yurub gaadhay oo sannadkan dhaaftay nus malyuun

Haโ€™yadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabi loo yaqaano UNHCR ayaa soo saaray tirade qaxoontiga gaadhay Yurub sannadkan dhammaadka ku dhow.

UNHCR waxay in ay qaxoonti lagu qiyaaso nus malyan ayaa soo gaadheen Yurub taasi oo u dhigmata tiradii sannadkii hore timid libilaabkeed.

Dadkii ugu danbeeyey ee gaadhay Yurub ayaa waxa lagu qiyaasa in ka badan shan boqol iyo afar iyo toban kun oo qof oo ka gudbay badaha, kuwaas ah inta badbaaday.

Ku dhowaad saddex ayaa lagu qiyaasayaa dadka ku dhintay badaha ama la waayey.

Qaxatoontiga Yurub ku qulqulayaa ayaa waxa badankoodu ka carareen dagaalo ka jira waddamadooda, gaar ahaan dadka Suuriya u dhashay oo iyagu ugu badan qaxoontiga Yurub gaadhay.

UNHCR ayaa sheegay in la filayo in tiradu sii badato sannadkan, iyadoo haatan wakhtigii qabowgu ku soo fool leeyahay waddamada Yurub, taasi oo laga baqo qabo in qabowga badan ee ka dhaca Yurub ay ku waxyeeloobaan qaxoontiga ku sii qulqulay Yurub.

bandhige@gmail.com