Toddobaadkii Tagay

Bandhige wuxu bilaabay barnaamij loogu magac-daray “Toddobaadkii Tagay” kaas oo akhristeyaasha u sahli doona in ay dib u milicsadaan toddobaadkii tagay dhacdooyinkii ugu waaweynaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Wuxu soo bixi doonaa maalmaha Sabtida. Waatan qormadii koowaad ee akhris wanaagsan.

Xukuumadda Itoobiya ayaa 180 deeq waxbarasho ah ugu deeqday Somaliland:ย 150 deeqaha ka mid ahi waa darajada koowaad (Bachelor), 30 ka mid ahina waa darajada 2aad (Masters). Itoobiyaha ayaa sannado badan Somaliland ugu deeqaysay deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah oo darajada koowaad iyo darajada labaadba leh iyo sidoo kale deeqo waxbarasho oo milatari. Tiradii ugu badnayd ee deeq waxbarasho sannadkan ayay ku deeqday Itoobiya sida uu sheegay ku-xigeenka safiirka Somaliland ee Itoobiya Ayaanle Salaad.

Degmooyin cusub: Madaxweyne Siilaanyo oo xilkiisu gabaabsi sii yahay ayaa degmooyin u magacaabay Nasiye oo ka tirsan Togdheer iyo Bohol oo ka tirsan Sool. Sidoo kale, waxa xaflad ilyartu is qabatayย  lagu caleemo saarayย  Dagmada Dacarta oo ka tirsan Maroodi-jeex oo bishii hore Madaxweynuhu magacaabay.

Jaamacadda Gabiley iyo Doorashada: Xisbiga Kulmiye ayaa ku eedeeyey Waddani in ay Jaamacadda Gabiley ku tilmaameen jaamacad reereed sidaas daraadeedna aanay ardaydeedu shaqaale u noqon karin Komishanka Doorashooyinka maalinta doorashada. Haseyeeshee xisbiga Waddani ayaa eeddaas iska fogeeyey sheegayna in aanay waxba ka qabin in ay ardayda Gabiley qayb ka noqdaan doorashada. Sida uu Bandhige fahansan yahay, ardayda Gabiley waa lagu daray shaqaalaha Komishanka la shaqaynaya Maalinta Doorashada.

Waddani oo ka digay dhulka dawladdu xaraashto: Waxatoddobaadkii hore soo baxay hadallo la isla dhex marayo oo sheegayo in dugsiga Reece ee xaafadda New Hargeysa ay xukuumaddu ka iibinayso ganacsato. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo aan si gaar ah u carrabaabin dugsiga ayaa ka digay in ay wakhtigan ganacsatadu lacagtooda isaga khasaariyaan dhul dawladeed uguna baaqay in ay lacagtooda galiyaan dhul xalaal ah oo aan dan guud ahayn.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo ku biiray Kulmiye: Murashax-xigeenkii hore ee xisbiga UCID oo sidoo kalena soo qabtay jagada Xoghayaha Warfaafinta ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Wasiirkii Hore ee Macdanta iyo Biyaha xukuumaddii Rayaale Cusmaan Sheekh Cabdi ayaa ku biiray xisbiga Waddani. Siyaasiyiintan oo caan ka ah gobolka Awdal xafladdii lagu soo dhawaynayey waxay ka dhacday xarunta gobolka Awdal ee Boorama, waxaana ka qayb-galay madaxda ugu sarraysa xisbiga Kulmiye oo uu ugu horreeyo murashaxa xisbigu Muuse Biixi Cabdi.

Wixii talooyin ah ku soo hagaaji bandhige@gmail.com